Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Ereteriy

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta Dalka Ereteriya ayaa wax uu kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya xiriirka Ereteriya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale Arrimaha Gobolka.

“waxaan halkan u imid in aan mudane Madaxweyne Mudane Isaias Afawerqi Madaxweynaha Ereteriya ka wada xaajoon doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dal iyo sidii xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo xoojin lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan sheekh ayaa xusay in Ereteriya weligeed la jirtay Soomaaliya garab istaagna siisay marar badan maantana ay ka go’an tahay ilaalinta xuduudaha lama taabtaanka ah ee Soomaaliya,isagoo uga Mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Ereteriya garab istaagga buuxa ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kulan Sagootin ah la qaatay Xubno ka tirsan Hay’adda UNHCR

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagootis iyo is xog wareysi ah kula yeeshay mudane Magatte Guisse iyo marwo Sanaa Omer oo ka tirsanaa Xafiiska UNHCR ee Soomaaliya kuwaas oo ay u dhammaatay howlihii shaqo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal kooban uu jeediyey uga mahadceliyay shaqadii wanaagsaneyd oo ay Soomaaliya ka qabteen, gaar ahaan in xalwaara loo helo arrimaha qaxootiga iyo barakaca isaga oo sidoo kale guddoonsiiyay shahaado sharaf.

Hay’adda UNHCR ayaa kamida Hay’adda sida joogtada ah u caawiya dalka Soomaaliya.Oo mudda dhaar ay ragaadiyeen colaado,Iyo abaaro. Soomaaliya ayaa hadda safka hore ugu jirto Dowladaha Africa oo sameeyay hormar lataaban karo.

President Hassan praises Eritrea’s support for Somalia’s sovereignty

President Hassan Sheikh Mohamud has lauded Eritrea’s role in helping Somalia combat the terrorist group al-Shabaab and maintain its sovereignty and territorial integrity.

In an interview with Eri-TV, the Somali leader said he had frequently visited Eritrea and considered it as his home. He said he came to Eritrea to brief President Isaias Afwerki about the situation in Somalia and the recent developments in the region.

“Our region is a very volatile region. I just came to share with him the perspectives of Somalia about the region. So it was information-sharing and briefing to each other that we do frequently,” he said.

He expressed his gratitude to Eritrea for its consistent support to Somalia in its war against al-Shabaab.

“Eritrea has always been with Somalia and we are very much grateful for that. Eritrea has extensively supported Somalia and the war against al-Shabaab. And of course, Eritrea has been in support of preserving the sovereignty, unity and territorial integrity of Somalia and that is the international position of Eritrea. And still it is and His Excellency, the President, reiterated the same to me today. We are very much grateful for that as well,” he said.

 

Xoghaye NUSOJ oo ka hadlay Caburinta Wariyaasha ee ku aadan ka hadlida Xad-gudbkii Itoobiya

Xoghayaha Ururka saxaafadda Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa sheegay in shacabka iyo saxaafadaa diiddan heshiis ku sheegga Itoobiya iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland aan xarig iyo jirdil lagu soo joojin Karin.

Xoghaye Cumar Faaruuq, ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaas ah ay ka dhallan doonto foolkaano aysan fileyn maamulka Somaliland.

“Shacabka iyo Saxaafadda diidan Heshiiskii Itoobiya, Xarig iyo Jir-dil laguma joojin karo, waxaana ka dhalan doona Foolkaano aysan filayn Soomaaliland” Cumar Faaruuq Xogyaha NUSOJ.

Hadalka Xoghayaha NUSOJ ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland ay cabburin xooggan ku hayaan Saxafiyiinta ka howl gala waqooyiga Soomaaliya, markii ay baahiyeen dareenka bulshada ee ku aaddan damaca gurracan ee Itoobiya.

Dowladda oo ka jawaabtay bannaan bax ay dalbadeen bulshada rayidka

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay baaq ay soo jeediyeen ururrada bulshada, kaas oo ay ku dalbanayeen in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan baxyo looga soo horjeedo heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland ee woqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho,ayaa sheegay in dowladdu ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan bannanbaxyada ay iclaamiyeen.

Mudane Fiqi ayaa yiri ” Shacabka guud ahaan ku dhaqan Soomaaliya,Waa inay si isku mid ah ugu soo bannaan baxaan,Oo ay muujiyaan darreenkooda,Waana inay darreento Itoobiya inay yihiin dadka Soomaaliyeed kuwo soo jeedo”.

Cumar Faaruuq: Shacabka iyo Saxaafadda diiddan heshiiskii Itoobiya xarig iyo jird il laguma joojin karo

Xoghayaha Ururka saxaafadda Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay in shacabka iyo saxaafadaa diiddan heshiis ku sheegga Itoobiya iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland aan xarig iyo jirdil lagu soo joojin Karin.

Xoghaye Cumar Faaruuq ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaas ahi ay ka dhalan doonto foolkaano aysan fileyn maamulka Somaliland.

“Shacabka iyo Saxaafadda diidan Heshiiskii Itoobiya, Xarig iyo Jir-dil laguma joojin karo, waxaana ka dhalan doona Foolkaano aysan filayn Soomaaliland” Cumar Faaruuq Xogyaha NUSOJ.

Hadalka Xoghayaha NUSOJ ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland ay cabburin xooggan ku hayaan Saxafiyiinta ka howl gala waqooyiga Soomaaliya, markii ay baahiyeen dareenka bulshada ee ku aaddan damaca gurracan ee Itoobiya.

Dowladda oo ka jawaabtay bannaan bax ay dalbatay bulshada rayidka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay baaq ay soo jeediyeen ururrada bulshada, kaas oo ay ku dalbanayeen in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan baxyo looga soo horjeedo heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland ee woqooyiga Soomaaliya .

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan bannana baxyada ay iclaamiyeen.

Jabhadda Xoraynta Oromada oo ka hor timid damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya

Addis Ababa-(SONNA)-Jabhadda Xoraynta Oromada ee dalka Itoobiya OLF ayaa si weyn kaga hor tamid ficilka foosha xun ee Abiy Axmed Cali ku damaaciyay badda Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo uu ku marin habaabinayo shacabka Itoobiya.

War qoraal ah oo ay soo saartay Jabhadda OLF ayay ku sheegtay tallaadbada Abiy Axmed inay tahay mid indhaha caalamka looga leexinayo xaaladda dhabta ah ee ka taagan dalka Itoobiya, taas oo ah mid qatar  wayn leh.

Jabhadda xoreynta Oromada ee dalka Itoobiya OLF ayaa sheegtay in ay si buuxda u ixtiraamayso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo la kulmay safiirka Maraykanka ee dalkaas

Nairobi : Safiirka dowladda FS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman, iyagoo ka wada hadlay ka faa’iideysiga xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta wadahadal la yeeshay Danjire Margaret Whitman, Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, iyadoo aan wadahadalka diiradda ku saarnay nabadda iyo amniga gobolka” ayuu yiri danjire Jibriil.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka geeska Afrika, iyadoo loo marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ka dhexeeya.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo dawo iyo qalab caafimaad gaarsiisay Isbitalka Madiina iyo deegaanka Janaale

Hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa maanta shixnado daawo iyo qalab caafimaad iskugu jira waxa ay garsiisay Isbitaalka Madiina iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda hoose, waxaana hay’adda hawshaasi samafal ku gacansiisay hay’adda IMC.

Shixnadaan gargaar ayaa ka kooban qaybaha daawada, waxaa sidoo kale kamid ah qalab cafimaad oo SoDMA ugu talagashay in bukaanada jira isbitaalkaan loogu adeego.