Jabhadda Xoraynta Oromada oo ka hor timid damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya

Addis Ababa-(SONNA)-Jabhadda Xoraynta Oromada ee dalka Itoobiya OLF ayaa si weyn kaga hor tamid ficilka foosha xun ee Abiy Axmed Cali ku damaaciyay badda Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo uu ku marin habaabinayo shacabka Itoobiya.

War qoraal ah oo ay soo saartay Jabhadda OLF ayay ku sheegtay tallaadbada Abiy Axmed inay tahay mid indhaha caalamka looga leexinayo xaaladda dhabta ah ee ka taagan dalka Itoobiya, taas oo ah mid qatar  wayn leh.

Jabhadda xoreynta Oromada ee dalka Itoobiya OLF ayaa sheegtay in ay si buuxda u ixtiraamayso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.