Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo dawo iyo qalab caafimaad gaarsiisay Isbitalka Madiina iyo deegaanka Janaale

Hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa maanta shixnado daawo iyo qalab caafimaad iskugu jira waxa ay garsiisay Isbitaalka Madiina iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda hoose, waxaana hay’adda hawshaasi samafal ku gacansiisay hay’adda IMC.

Shixnadaan gargaar ayaa ka kooban qaybaha daawada, waxaa sidoo kale kamid ah qalab cafimaad oo SoDMA ugu talagashay in bukaanada jira isbitaalkaan loogu adeego.