Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Ereteriy

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Ereteriya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta Dalka Ereteriya ayaa wax uu kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya xiriirka Ereteriya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale Arrimaha Gobolka.

“waxaan halkan u imid in aan mudane Madaxweyne Mudane Isaias Afawerqi Madaxweynaha Ereteriya ka wada xaajoon doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dal iyo sidii xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo xoojin lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan sheekh ayaa xusay in Ereteriya weligeed la jirtay Soomaaliya garab istaagna siisay marar badan maantana ay ka go’an tahay ilaalinta xuduudaha lama taabtaanka ah ee Soomaaliya,isagoo uga Mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Ereteriya garab istaagga buuxa ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.