Xoghaye NUSOJ oo ka hadlay Caburinta Wariyaasha ee ku aadan ka hadlida Xad-gudbkii Itoobiya

Xoghayaha Ururka saxaafadda Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan, ayaa sheegay in shacabka iyo saxaafadaa diiddan heshiis ku sheegga Itoobiya iyo hoggaamiyaha maamulka Somaliland aan xarig iyo jirdil lagu soo joojin Karin.

Xoghaye Cumar Faaruuq, ayaa sheegay in tallaabooyinka noocaas ah ay ka dhallan doonto foolkaano aysan fileyn maamulka Somaliland.

“Shacabka iyo Saxaafadda diidan Heshiiskii Itoobiya, Xarig iyo Jir-dil laguma joojin karo, waxaana ka dhalan doona Foolkaano aysan filayn Soomaaliland” Cumar Faaruuq Xogyaha NUSOJ.

Hadalka Xoghayaha NUSOJ ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland ay cabburin xooggan ku hayaan Saxafiyiinta ka howl gala waqooyiga Soomaaliya, markii ay baahiyeen dareenka bulshada ee ku aaddan damaca gurracan ee Itoobiya.