Dowladda oo ka jawaabtay bannaan bax ay dalbatay bulshada rayidka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay baaq ay soo jeediyeen ururrada bulshada, kaas oo ay ku dalbanayeen in maalinta Khamiista magaalada Muqdisho lagu qabto bannaan baxyo looga soo horjeedo heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland ee woqooyiga Soomaaliya .

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay ayideyso baaqaasi, isla markaana ay shacabka ku taageeri doonto in si habsami leh u qabsadaan bannana baxyada ay iclaamiyeen.