Muqdisho oo uu ka dhacayo Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya

shalay ilaa xalay waxa Magaalada Muqdisho ka socday qaban qaabadda Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya ku doonayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya in ay sife sharci darro ah ku qaadato.

Mudaharaadkan ayaa waxa ka qayb geli doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra,”iisul wasaaraha,Ra”iisul wasaare ku-xigeenka,Golaha wasiiradda,Goleyaasha Baarlamaanka iyo dhamaan haya’addaha kala duwan ee Dowladda.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo shucuurtooda aad u kacsan tahay kana muuqato wejiyadooda cadhada ay u qabaan Itoobiya iyo damaceeda liita ayaa saaka Salaadii hore ba lagu arkayey jidadka Waddooyinka Muqdisho,sida qorshaha yahay Dadweynaha ayaa wax la hadli doona Madaxda Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidoo kale Dhalinyaradda,Haweenka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa soo gudbin doona shucuurtooda ay ku diidan yihiin damaca liita ee Itoobiya.

Waxa sidoo kale Mudaharaado xooggan ka dhici doonaan dhammaan Maamul goboleedyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xoghayaha guud ee QM kala hadlay xaaladda gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey mudane António Guterres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Wasiirka waxbarashada oo guddoomiyey kulanka abaabulka banaanbaxyo Muqdisho ka dhacaya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shir gudoomiyey kulanka guddiga qabanqaabada banaan baxa difaaca gobonimada dalka ka dib damacii Itoobiya ee doonista baddeena.

Guddiga oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ahna ku simaha wasiirka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga oo looga arrinsanayay Banaan baxyo waa weyn oo ka dhici doono Guud ahaan dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka beri 11 Jan 2024.

Inta uu shirku Socday waxaa diirada lagu saarayay sidii looga tashan lahaa qaabka uu u dhacayo Banaanbaxa ay Bulshada Soomaaliyeed Dareenkooda ku cabiraan.

Ujeedka Banaan baxan oo beri ka dhicidoona Caasimada, ayaa ah diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka Dowliga ah.

Banaan baxyadaan ayaa ka dhigan in ay Ummaddu ku cabirto shacuurtooda difaaca Qaranimada wuxuuna ahaandoonaa mid taariikhi ah.

Diyaarad ay la socdeen Soomaali iyo Ajaaniib oo ku dhacday deegaan ay ka taliyaan Khawaarijta

Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay leedahay Qaramada Midoobay, loona adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta Al Shabab.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey.

Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta shaqaalihii saarnaa diyaaradda, ayaa waxan idin idin la soo wadaagi doonnaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan.

Ra’iisul wasaare Xamse oo u hambalyeeyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa dalka Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.

 

Ciidanka Amaanka oo fashiliyey qarax khawaarijtu rabtay in ka fuliso Suuqa Xamarweyne

Ciidanka amaanka ayaa Fashiliyey dhagar khawaarijtu rabeen in ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ka dib markii Khawaarijtu Boorso waxyaabo qarxa ku soo gureen soo dhigeen meel u dhow kaalin shidaal oo ku taala Suuqa degmada Xamarweyne.

Ciidamada Amaanka ayaa intii aanay fashilin Qaraxa waxay xireen goobta si”aysan wax-yeelo uga soo gaarin dadka suuqa imaanaya oo khawaarijta la damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan.

In ay laamaha amaanka ogaadaan waxyaabahaan qarxa waxay ku timid wada shaqayn ka dhexaysa ciidanka iyo Shacabka.

Culimada Soomaaliyeed oo soo saaray bayaan ku aaddan heshiis ku sheegga ay Itoobiya ku dooneyso dhulka iyo baddeenna

Maanta oo ay tariikhdu tahay 28/06/1445 , kuna beegan 10/01/2024 waxaa hotel-ka SYL ee magaalaada Mogadishu ka qabsoomay shir ay isugi yimaadeen culimada Soomaaliyeed, kaas lagu qaadaa dhigay mowduucyada kala ah:

  1. Muhiimada ay leedahay difaacidda dalka sida Badda, Berriga iyo Hawadiisa; maadaama uu yahay Dal Muslim ah.

T.Aragtida Sharciyeed ee ku aadan Iibinta, kireynta iyo  hibeynta, dhul Muslimiintu leeyihiin in lasiiyo  Gaalo

  1. Sidii loogu midoobi lahaa difaaca qaranimadda iyo madax banaanida Dalka iyo kaalinta hogaamineed ee kaga aadan Dowlada Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, dood iyo falanqeyn dheer kadib kulanka culimada Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada ayaa Intaas kadib waxa kasoo baxay  qodobada hoos ku qoran:

1.Culumada somaaliyeed waxeey ku aamaaneysaa dowladda soomaaliyeed dadaalada eey ugu jirto difaaca dalka ayada oo ugu baaqeysa Dowlada  Federaalka Soomaaliya eey dardar galiso  waajib ka sharciga ah ee ka saran  difaaca Xuduudaha Dalka Dhul, Bad iyo Berriba , sidoo kalana waxeey ugu baaqayaan dhamaan maamulada iyo bulshada soomaliyeed ineey ku garab istaagaan dowlada somaaliaya difaaca dalka

2.In Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba u midowdo ka hortaga  faragalinta  iyo boobka lagu hayo gobanimada Dalka kana fogaadaan khilaafaadka siyaasiga ah, qabyaalada ku saleysan  iyo midka fikriga ahba, si loo ilaaliyo difaaca qaranimada  iyo madax banaanida Dalka.

3.Culimadda soomaliyeed waxeey ugu bogaadinayaan wadahadalada dib ugu bilaawday  dowladda federaalka iyo  maamulka Somaliland ayagoo kubaaqayaa in laga miradhaliyo wada hadaladaas si loo xaqiijiyo midnimada umada soomaaliyeed

4.In hoggaan dhaqameedka, ganasatada,  Culimada, Macalimiinta, bahda Saxaafada, abwaanada dhamaan  iyo aqoonyaahanka soomaaliyeed eey gacan ka geystaan abaabulka bulshada isla markaana uga digaan marin habaabinta lagu hayo Diintooda, Taariikdooda, Dhaqankooda iyo Xuduudahooda, kuna garab istaagaan dowladda soomaaliyeed difaaca dalka

5.In sigaar ah Dhalinyaradu  gutaan waajibka  ka saaran difaaca Qarannimada Soomaaliya, si la mid Dhalinyaradii  usoo dagaalamey kana qeyb qaatey halgankii goboanima-doonka Dalkeena  kana digtoonaadaan in looga faideysto kacdoonkooda si aan adegeeynin dalkeena, diinteeenaiyo dadeenaba

6.In shucuubta muslimka ah ee dagan Gobalka  geeska Afrika ku  baraarugaan gulufka gardarada ah ee Abey Axmed isaga hor keenayo shucuubta Muslimiinta, taas badalkeedna waa in shucuubta Muslimiinta iska kaashadaan maslaxada Diinkooda nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.

(انما المؤمنون اخوة…..)

7.Culimadda Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqayaan Dowladaha islaamka, Waddamada Carabta, urururada aan kawqada tirsanahay dhamaan caalamka intiisa kale ee nabadda jecel inay is garab taagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad iyo amni ahaanba.

8.Ugu danbeyn Culimadda Soomaalyeed  waxay uga digayaan Dowlada Itoobiya natiijada qaraar ee ka dhalan karta   faragalinta iyo ku xadgudubka xuduuda Dalka Soomaaliya.

Ururka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeyay bannaanbaxa berri ka ka dhici doona dalka

Ururka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay bannaanbaxa berri ka ka dhici doona dalka, kaas oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda, kadib markii heshiis beenaad ay la galeen maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Qoraalka ka soo baxay Ururka Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu yiri waan soo dhaweeynaynaa bannaanbaxa maalinta khamiista ah ay shacabka Soomaaliyeed  ku muujinayaan kuna canbaareynayaan heshiis beenaadkii  dhex maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland, kaasoo ay Itoobiya ku damacsan tahay in ay ku qaadato qayb ka mid ah badda Soomaaliya

Ugu dembayntii Ururka shaqaalaha Dowladda ayaa dhammaan shaqaala weynaha Soomaaliyeed ka codsaday in ay si weyn uga soo qeyb galaan bannaanbaxaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray taliska guud ee Ciidanka XDS

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay, taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka XDS S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, isagoo halkaas salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS oo kulan guud uu la qaatay, taliyaha Xoogga Dalka, taliyaasha ciidammada Badda, Cirka, taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka,

Shirka guud ee Madaxweynaha Qaranka uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka XDS waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha madax hogaannada iyo taliska guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.