Diyaarad ay la socdeen Soomaali iyo Ajaaniib oo ku dhacday deegaan ay ka taliyaan Khawaarijta

Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay leedahay Qaramada Midoobay, loona adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta Al Shabab.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey.

Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta shaqaalihii saarnaa diyaaradda, ayaa waxan idin idin la soo wadaagi doonnaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan.