Ururka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeyay bannaanbaxa berri ka ka dhici doona dalka

Ururka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay bannaanbaxa berri ka ka dhici doona dalka, kaas oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda, kadib markii heshiis beenaad ay la galeen maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Qoraalka ka soo baxay Ururka Shaqaalaha Dowladda waxaa lagu yiri waan soo dhaweeynaynaa bannaanbaxa maalinta khamiista ah ay shacabka Soomaaliyeed  ku muujinayaan kuna canbaareynayaan heshiis beenaadkii  dhex maray dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland, kaasoo ay Itoobiya ku damacsan tahay in ay ku qaadato qayb ka mid ah badda Soomaaliya

Ugu dembayntii Ururka shaqaalaha Dowladda ayaa dhammaan shaqaala weynaha Soomaaliyeed ka codsaday in ay si weyn uga soo qeyb galaan bannaanbaxaas.