Muqdisho oo uu ka dhacayo Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya

shalay ilaa xalay waxa Magaalada Muqdisho ka socday qaban qaabadda Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya ku doonayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya in ay sife sharci darro ah ku qaadato.

Mudaharaadkan ayaa waxa ka qayb geli doona Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Ra,”iisul wasaaraha,Ra”iisul wasaare ku-xigeenka,Golaha wasiiradda,Goleyaasha Baarlamaanka iyo dhamaan haya’addaha kala duwan ee Dowladda.

Dadweynaha Soomaaliyeed oo shucuurtooda aad u kacsan tahay kana muuqato wejiyadooda cadhada ay u qabaan Itoobiya iyo damaceeda liita ayaa saaka Salaadii hore ba lagu arkayey jidadka Waddooyinka Muqdisho,sida qorshaha yahay Dadweynaha ayaa wax la hadli doona Madaxda Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidoo kale Dhalinyaradda,Haweenka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa soo gudbin doona shucuurtooda ay ku diidan yihiin damaca liita ee Itoobiya.

Waxa sidoo kale Mudaharaado xooggan ka dhici doonaan dhammaan Maamul goboleedyada dalka.