Wasiirka waxbarashada oo guddoomiyey kulanka abaabulka banaanbaxyo Muqdisho ka dhacaya

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shir gudoomiyey kulanka guddiga qabanqaabada banaan baxa difaaca gobonimada dalka ka dib damacii Itoobiya ee doonista baddeena.

Guddiga oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ahna ku simaha wasiirka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga oo looga arrinsanayay Banaan baxyo waa weyn oo ka dhici doono Guud ahaan dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka beri 11 Jan 2024.

Inta uu shirku Socday waxaa diirada lagu saarayay sidii looga tashan lahaa qaabka uu u dhacayo Banaanbaxa ay Bulshada Soomaaliyeed Dareenkooda ku cabiraan.

Ujeedka Banaan baxan oo beri ka dhicidoona Caasimada, ayaa ah diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka Dowliga ah.

Banaan baxyadaan ayaa ka dhigan in ay Ummaddu ku cabirto shacuurtooda difaaca Qaranimada wuxuuna ahaandoonaa mid taariikhi ah.