Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la kulmay danjiraha Hindiya

-Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa la kulmay H.E. Namgya Khampa, Danjiraha Hindiya u fadhiya Kenya. Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka ka dhexeeya Somalia iyo India.

Ambasaddor Jabril Ibrahim Abdulle met with H.E. Namgya Khampa, The Indian High Commissioner to Kenya. The topics of discussions included bilateral issues, collaboration in areas of trade, health, education & ways to further strengthen relationships between Somalia and India.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo xeer lagu dhiirigalinayo dhammaan Shaqaalaha dowladda soo saartay

Warqoraal ah oo ka soo baxay xafiiska re’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu yirii xukuumada federaalka Soomaaliya oo dhiirigelinaysa dhammaan Shaqaalaha dowladda waxay soo saartay xeer ra’iisul wasaare Lr 148 xeerkaas oo ah qiimeynta howl-gudashada shaqaalaha dowladda.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha XFS halkaan hoose ka akhriso.

  ee Xeerka : Qiimeynta Hawl-

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaaladda gobolka kala hadlay Ergeyga midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub  Marwo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisa iyo tayeynta ciidamada.

Egeyga Midwoga Yurub ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay Bannaanbaxa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Ku xigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda kala qeybgalay Banaanbaxyo waa weyn oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu diidan yahay damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.

Dibadbaxayaasha oo socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, ayaa isugu yimid Isgoyska KM4 iyo barxada Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasi oo ay kula hadleen Wasiiro, Xildhibaano, Culuma’udiin, Odayaal dhaqan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Qeybaha kala gedisan ee shacabka ayaa watay boorar ay ku muujinayeen in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.
      

default

          

default

    

Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)

Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii sano ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala kulmayay Dibada iyo Gudaha Ethiopia, iyadoo lagu xasuusto Dagaalkii Sudan, dagaalkii/Xasuuqii uu ka geystay Gobolka Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal barakicin ah ka wadaa Degaanada Amxaarada iyo Oromada, kuwaasoo diidan siyaasadiisa qaris ka tuurnimada, iyadoo Khubarada ku takhasustay Xeerarka Caalamiga ah ay Hogaanka Dalka Ethiopia ku eedeeyeen inuu jabiyay mid ka mid ah Mabaa’dida Aas-aasiga ah ee Ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, isagoo fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah Dalalka Midowga Afrika oo ah (Soomaaliya), kadib markii heshiis bug ah ay ku doonaayaan iney si xoog ah u qaadato Xeebta Degmada Lughaya.

Warar wel wel xambaarsan ayaa laga soo sheegayaa degaannada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo Xooggaga Amaanka Degaannadaasi ay bilaabeen ugaarsi ay ku hayaan Culumaa’udiinka, Waxgaradka Dhallinyarada iyo Haween ka dhiidhiyay Heshiiska uu ku bixiyay Muuse Biixi Xeebta Lughaya iyo Waddo 90-Km ah oo oo xeebta ilaa Xuduuda ku teedsan, iyadoo dhinaca kalena la sheegayo Wararka dhiilada leh ayaa lagu soo waramayaa in Wadaadka Sheekh Mustafa Cabdi Cumar oo ka soo jeeda Beelaha Waqooyi ay habeen hore Hoyga uu degenaa ku weeraray Xoogag hubeysan ay Hormuud u yihiin Wiilka Muuse Biixi iyo Madaxa Sirdoonka Maamulka, iyadoo Rasaas badan ku argagax geliyeen Xaaska iyo caruurta Wadaadka inkastoo uusan Wadaadku xiligaasi ku sugneyn Gurigiisa, waxaana Magaalooyinka Burco, Sheekh, Boorame iyo Hargeysa la dhigay jid-gooyooyin Dadka & Gaadiidka lagu baaraayo, sida aan ka soo xiganay Ciise Xasan oo ah falanqeeye dhinaca Amniga ah oo jooga magaalada Helsinki ee cariga Finland.

“Ku darsoo Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiid dagaal ayaa habeen hore ka baxay magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Magaalooyinka Lughaya, Seylac iyo Boorame ee Gobolka Awdal, si ay u caburiyaan Shacbiga Degaanadaasi oo diiday Heshiiska Is-fahamka lagu sheegay, waxaana ku wehliya Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Dalka Ethiopia”, ayuu siiracay.

Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Burco laga soo qabtay Wadaadka Cabdimaalik Coldoon, isla markaasna Tacadiyo iyo Jir-dil ay geystaan Maleeshiyaad ka tegay Magaalada Hargeysa, waxaana loo aaneynayaa Hadalo uu ku diidan yahay Heshiiska been abuurka ah oo uu dhawaan jeediyay, isagoo sheegay in wax laga xumaada ay tahay in Soomaaliland ay heshiis dhul ay ku siineysa Itoobiya la gashay.

Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya  waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan, qarkana u saran burbur, waxaana u sabab ah:- 1- Qowmiyadda Tigreega ku dhowaaad hal milyan oo qof ayaa looga dilay, waxaana la leeyahay isu abaabul ama dib isku diyaarin bay ku jiraan. 2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayay ilaa 100km u soo jirsataa. 3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyay in ay ka dambaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa. 4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash balaayiin doolar ah, intaa waxaa u dheer in taliskii  Tigreegu uu horay u xaalufiyey qasnadda dawladda, halka musuqa baahsan u sii dheer yahay, kuwaasi oo sababay in dawladdu ay daynta iska bixin la’dahay. 5- Maamulka Abiy Inta badan deriska iskuma wanaagsana, dunida kalena cidna taageero kaga heli mayo in xiisad hor leh geeska Afrika ka aloosanto, iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay, waxaa sidaasi qaba Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Waxaa kaloo uu Xildhibaankun qabaa in Itoobiya ay dowlad wanaagsan tahay Soomaaliya, waayo ayuu leeyahay, Halka Soomaalia ka soo kabatay; 1-  Dal isku soo noqonaya, dadkiisuna isku imaanayaan. 2- Dayntii laga cafiyey, cunaqabatayntii hubka laga qaaday, taasoo u saamaxaysa in dalku dhisto ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka dalka la wareega, ilaaliyana gobbonimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. 3- Waxaanu leenahay qurbajoog firfircoon oo loobiga iyo abaabulka diblomaasiyadda si weyn uga qayb qaadan kara. 4- Waxaan ku baahsanahay geeska Afrika, ganacsi xooggana ku leenahay, waxaan nahay ummad leh dareen daandaansiga neceb, dullaysiga iyo damaca ajanbigana diida.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu soo jeedinayaa “in Hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan dawlad goboleeyada waxaa waajib ku ah; 1- In wax kasta loo quuro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan walaalaheen Somaliland. 2- In la dhiso dawlad difaac qaran oo karti, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo lagu xulay, meelna la iska dhigo damaca, danta gaarka ah iyo kooxaysiga. 3- In la qaado guluf diblomaasiyadeed iyo abaabul dadwayne, mudnaantana la siiyo sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga dawladnimada iyo damaca shisheeyaha. 4- In Soomaaliya loo kasbo saaxiboo iyo dawlado aanu nahay dan isku tolan.

Maanta waxaa ka socda magaalada Muqdisho banana baxyo ballaaran Ujeedkiisu yahay in la muujiyo  diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, kan Qaraaradaha, kan Gobolka iyo guud ahaan Qaanuunka Dowliga ah, iyadoo uu Banaan baxyadaan ka dhigan in ay Ummaddu ku cabirto shacuurtooda difaaca Qaranimada, wuxuuna ahaan doonaa mid taariikhi ah, iyadoo ay hoggaaminayay madaxda ugu sarreeysa Dalka.

Bannaan-baxyadaan ayaa ka dhacay caasimada Muqdisho waxaana ay qayb ka ahayeen bannaan-baxayo maalmihii la soo dhafay ka dhacayay dalka,dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan xadgududubka Itoobiya ee madax-bannaanida dhulka iyo badda gayiga Soomaaliya,waxaana ay diidmo qayaxan kala hortimid JFS heshiid ku sheega ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee qaybta ka ah dhulka JFS.

Goobaha maanta dibad baxayadda ay ka dhaceen ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheed kala duwan oo doonayay in ay muujiyaan dareena diidmahada ah ee damaca gurracan ee Itoobiya,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin Baddeennu Iib maah,Taako dhulkeena ka mid ah kama tanaasuleyno iyo baddeenu waa hanti qaran iyo dhaxal umaddeed waana looma soo dhawaadaan ayey adeegsanayeen bibad baxayaasha dadweynihii bannaan baxa ka soo qayb galay, waxaana dibadbaxa ku soo biiray Ra”iisul wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo socod dheer ka soo bilaabay xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliy, isagoo shacabka khudbad uga jeediyay xarunta taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiisa ay Ajinbi qabsadaan ama ay qaataan,waa u soo halgameen, waa soo xoreysteen, waa dalkoodi, maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho, waa kuwaa Carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”.waxaa sidaa yiri Wasiirka waxbarshadda Soomaaliya mudane Faarax Cabdulqaadir oo ka qeyb galay dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka ka qayb galaya Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso dhulkeena ayaa aragtidooda cabirey waxaan ay sheegeen in dhulka iyo badda ay yihin hanti dadweyne oo ay ka dhaxleen awoowayaashood lagana sii dhaxali doono oo jiilba jiil ka sii dhaxalidoono sida darteed aysan marnaba sinna suurta galay  ku ahayn damaca gurracan ee itoobiya, waxaana gabi ahaan la fasaxay maanta goobaha Waxbarshada, Shaqooyinka xaruumaha dowladda iyo waliba iyadoo Albaabada loo soo xiray goobaha ganacsiga oo ay dadku dhammaan isugu soo baxeen bannanada magaalada iyo goobaha loo asteeyay dibad-baxayada.

Wasiirka waxbarshadda Soomaaliya oo ka hadlay dibad baxa looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku doonayso Badda Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Cabdulqaadir oo Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ayaa uga  qayb galaya Taalada daljirka Dahsoon ayaa sheegay in dadka Soomaalieed ay diyaar u yihiin in ay difaacan dalkooda aysana ogolaaneyn oo aysan aqbalayn in taako ka mid ah dalkooda la iib sado.

“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiis ay ajinbi qabsadaan ama ay qaataan,waa usoo halgameen,waa soo xoreysteen,waa dalkoodi,maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho ,waa kuwaa carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”.waxaa sidaa yiri wasiirka waxbarshadda Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir oo ka qayb galay dibad baxa.

Bannaan-baxayo gilgilaya magaalada Muqdisho oo looga soo horjeedo damac Itoobiya ee doonista badda Soomaaliya

Bannaan-baxyadaan ayaa ka dhacay caasimada Muqdisho waxaana ay qayb ka ahayeen bannaan-baxayo maalmihii la soo dhafay ka dhacayay dalka,dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan xadgududubka Itoobiya ee madax-bannaanida dhulka iyo badda gayiga Soomaaliya,waxaana ay diidmo qayaxan kala hortimid JFS heshiid ku sheega ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee qaybta ka ah dhulka JFS.

Goobaha maanta dibad baxayadda ay ka dhaceen ayaa waxaa ka soo qayb galay bulshada qaybaheed kala duwan oo doonayay in ay muujiyaan dareena diidmahada ah ee damaca gurracan ee Itoobiya,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin Baddeennu Iib maah,Taako dhulkeena ka mid ah kama tanaasuleyno iyo baddeenu waa hanti qaran iyo dhaxal umaddeed waana looma soo dhawaadaan ayey adeegsanayeen bibad baxayaasha dadweynihii bannaan baxa ka soo qayb galay.

Dhanka kale waxaa dibadbaxa ku soo biiray ra”iisul wasaaraha oo socod dheer ka soo bilaabay xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho halkaas oo ay ku sugaanyeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliya,Ra”iisul wasaaraha ayaa shacabka khudbad uga jeedin doona xarunta taallada Daljirka Dahsoon.

Sidoo kale qaar ka mid ah Shacabka ka qayb galaya Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso dhulkeena ayaa aragtidooda cabirey waxaan ay sheegeen in dhulka iyo badda ay yihin hanti dadweyne oo ay ka dhaxleen awoowayaashood lagana sii dhaxali doono iyagaa oo jiilba jiil ka dhaxali doono marnaba siina aysan ku suurta galay damaca gurracan ee itoobiya.

dhanka kale waxaa gabi ahaan la fasaxay goobah wax barshada,shaqooyinka xaruumahada dowladda iyadoo galbaabada loo soo xiray goobaha ganacsiga oo ay dadku dhamaan isugu soo baxeen bannanada magaalada iyo goobaha loo asteeyay ee dibad baxayada.

     

Ra”iisul wasaare Xamse oo ku biiray Mudaharaadka ka socda Muqdisho

Ra”iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda qaranka oo ku biiray Banaan baxa ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Ra”iisul wasaaraha ayaa socod dheer ka soo bilaabay Xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho halkaas oo ay ku sugaanyeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliya,Ra”iisul wasaaraha ayaa shacabka khudbad uga jeedin doona xarunta taallada Daljirka Dahsoon.

Mudaharaadka Muqdisho ka socda ayaa waxa si weyn uga qayb qaatay bahda Waxbarashadda iyadoo waddooyinka lagu arkayo kumanaan ka mid ah Ardayda Jaamacaddaha Muqdisho iyo Dugsiyadda waxbarashadda.

Sidoo kale Banaan baxan ayaa waxa door weyn ka qaadanaya Ganacsatada kala duwan ee dalka kuwaas oo ka xun sida indho beelnimada ah ee Itoobiya u damaaciday dhulka Soomaaliyeed.

Duqeymo weli ku socda Gaza iyo Maxkamadda ICJ oo qaadeysa dacwad ka dhan ah Israel

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa lagu wadaa inay maanta dhegeysato dacwad ay soo gudbiyeen Koonfur Afrika oo ku saabsan in Israa’iil ay xasuuq ba’an ka geysatay Gaza.

Israel ayaa xoojisay duqeynta Qaza,gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta Qaza ka hor dhageysiga dacwad xasuuq ah oo loo heysto dalkaasi,taas oo ka dhaceysa xarunta Maxkamadda ICJ ee The  Heuge.

Sharci yaqaanno ka socda Israel ayaa ku sugan xarunta maxkanadda ICJ,waxaana dowladda dalkaasi ay sheegeen in eedeymaha la xiriira xasuuqa ee ay wadaan xukuumadda K/Afrika ay yihiin kuwo aan sal laheyn.

Weeraradii ugu dambeeyay ee  Israa’iil ay ka fulisay Rafah waxaa ku dhintay ugu yaraan shan, wariye oo ka tirsan Aljazeera.

Sidoo kale duqeyn ay sameeyeen Israa’iil oo ka dhacday meel u dhow u Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ee Deir el-Balah waxaa ku dhintay ugu yaraan siddeed qof sida laga helay ilo caafimaad oo u waramay Al Jazeera.

Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay lagu dilay 40 ruux ,halka 24-kii saac ee la soo dhafay Gaza lagu dilay 147.

Ugu yaraan 23357 qof ayaa la dilay, in ka badan 59,410 waxaa lagu dhaawacay weerarada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7dii Oktoobar.

Dibad baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku dooneys Badda Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho Sacadaha soo aadan gilgili doona dibad baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku Aadan  dhulka iyo Badda Soomaaliya,Bartamaha magaaladda iyo goobaha loo cayimay ee magaaladda ayaa dadka dibad baxaya ay isugu yimaadeen kuwaas oo ku muujinaya dareenka ka dhanka ah damaca gurracan ee dowladda Itoobiya.

Qaybaha kala duwaan ee bulshada ayaa saakay u soo dhaqaaqay goobahaas ay ka dhacayaan bannaan baxayda waxaan si weyn u sugay amniga iyo habsami u socodka  dibad baxaa laamaha amniga qeyba hooda kala duwaan oo lagu arkayo wadooyinka magaaladda Muqdisho.

Guud ahaan dalka ayaa muddooyinkii danbe waxaa ka dhacayay Bannaan baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo hishiis ku sheeg ay wada galeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya oo ay ku doonaysay daan daansiga iyo xadgudub dhuleed.

Dowladda Soomaliya ayaa  si weyn uga hortimid damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ayaa ku doonaysa in ay ku xadgudubto madaxbannaanida dhulka iyo Bada dalkeena Soomaaliya .