Wasiirka waxbarshadda Soomaaliya oo ka hadlay dibad baxa looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku doonayso Badda Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Cabdulqaadir oo Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ayaa uga  qayb galaya Taalada daljirka Dahsoon ayaa sheegay in dadka Soomaalieed ay diyaar u yihiin in ay difaacan dalkooda aysana ogolaaneyn oo aysan aqbalayn in taako ka mid ah dalkooda la iib sado.

“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiis ay ajinbi qabsadaan ama ay qaataan,waa usoo halgameen,waa soo xoreysteen,waa dalkoodi,maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho ,waa kuwaa carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”.waxaa sidaa yiri wasiirka waxbarshadda Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir oo ka qayb galay dibad baxa.