Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay Bannaanbaxa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Ku xigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda kala qeybgalay Banaanbaxyo waa weyn oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu diidan yahay damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.

Dibadbaxayaasha oo socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, ayaa isugu yimid Isgoyska KM4 iyo barxada Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasi oo ay kula hadleen Wasiiro, Xildhibaano, Culuma’udiin, Odayaal dhaqan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Qeybaha kala gedisan ee shacabka ayaa watay boorar ay ku muujinayeen in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.
      

default

          

default