Ra”iisul wasaare Xamse oo ku biiray Mudaharaadka ka socda Muqdisho

Ra”iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda qaranka oo ku biiray Banaan baxa ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Ra”iisul wasaaraha ayaa socod dheer ka soo bilaabay Xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho halkaas oo ay ku sugaanyeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliya,Ra”iisul wasaaraha ayaa shacabka khudbad uga jeedin doona xarunta taallada Daljirka Dahsoon.

Mudaharaadka Muqdisho ka socda ayaa waxa si weyn uga qayb qaatay bahda Waxbarashadda iyadoo waddooyinka lagu arkayo kumanaan ka mid ah Ardayda Jaamacaddaha Muqdisho iyo Dugsiyadda waxbarashadda.

Sidoo kale Banaan baxan ayaa waxa door weyn ka qaadanaya Ganacsatada kala duwan ee dalka kuwaas oo ka xun sida indho beelnimada ah ee Itoobiya u damaaciday dhulka Soomaaliyeed.