Dibad baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ay ku dooneys Badda Soomaaliya oo ka socda Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho Sacadaha soo aadan gilgili doona dibad baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku Aadan  dhulka iyo Badda Soomaaliya,Bartamaha magaaladda iyo goobaha loo cayimay ee magaaladda ayaa dadka dibad baxaya ay isugu yimaadeen kuwaas oo ku muujinaya dareenka ka dhanka ah damaca gurracan ee dowladda Itoobiya.

Qaybaha kala duwaan ee bulshada ayaa saakay u soo dhaqaaqay goobahaas ay ka dhacayaan bannaan baxayda waxaan si weyn u sugay amniga iyo habsami u socodka  dibad baxaa laamaha amniga qeyba hooda kala duwaan oo lagu arkayo wadooyinka magaaladda Muqdisho.

Guud ahaan dalka ayaa muddooyinkii danbe waxaa ka dhacayay Bannaan baxayo waaweyn oo looga soo horjeedo hishiis ku sheeg ay wada galeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya oo ay ku doonaysay daan daansiga iyo xadgudub dhuleed.

Dowladda Soomaliya ayaa  si weyn uga hortimid damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ayaa ku doonaysa in ay ku xadgudubto madaxbannaanida dhulka iyo Bada dalkeena Soomaaliya .