Cabdiqaasim Salaad Xasan” Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia “

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

“Soomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Madaxwenihii hore ayaa ku tlmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan,mana jirto ayuu yiri cid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

 

Hoggaanka Baarista Dambiyada ee CID iyo maamulka safaaradda Soomaalida ee Kenya oo yeshay kulan muhiim ah

Taliyaha Hoggaanka  Baarista Dambiyada ee CID-da Gaashaanle Dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa la kulmay maamulka safaaraddaasi Danjire Mud, Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda.

Labada dhibac waxa ay ka wadahadleen arrimmo xasaasi ah oo ku saabsan in ay wadashaqeyn ka yeeshaan dhinaca amniga,gaar ahaan la socodka dokumiintiyada aasaasiga ah ee ay qaataandadka socotada ah.

Safiirka iyo Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyada ee CID-da waxay isla garteen in Xarunta Safaaradda ee Magaalada Nairobi laga Furo xafiiska laga qaato warqadaha Dambi la’aanta ee ay bixiyaan Hoggaanka Baarista Dembiyada si loola dagaalamo Dadka Dukumiintiga Been-abuurka u sameeyo Muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan Dalka kenya.

R/wasaare ku xigeenka XFS ” Heshiis ku sheega Itoobiya iyo Muuse Biixi waa mid halis ku ah dalkeena iyo Qaranimadeena

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Heshiis ku sheega Itoobiya iyo Muuse Biixi uu yahay mid halis ku ah dalkeena iyo Qaranimadeena.

R/wasaare ku xigeenka XFS ayaa xusay in uusan suurtagal aheyn damaca boobka ah ee Itoobiya,kaas oo uu ku tilmaamay in uu salka ku hayo Ictiraaf ku aadan Kala goynta Dalka soomaaliya iyo qaadashada bad Soomaaliyeed.

R/Wasaaraha ayaa qiray in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dadaalkeeda dhanka dibolomaasiyadda caalamka iyo kicinta bulshada gudaha,sidaa daraadeed,waxa uu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan doorka kaga aadan difaaca dalka.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa Galmudug oo dardargaliyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

Howlgaladaan ayaa ka socda dhulka miyiga ee jowlo,caad,dumaaye,Dabagalo ,Jeexjeex,halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha nabad-diidka ah ee khawaarijta.

Qaar kamid ah taliyaasha ciidanka eek u sugan goobaha furimaha ayaa sheegay in ay haatan sii baacsanayaan haraadiga kooxaha khawaarijta ee ku sii cararaya dhulka keymaha ah ee gobolkaasi.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda ee la doonayo in guud ahaan khawaarijta looga saaro deegaanada Gobolada Soomaaliya.

IGAD oo 18-ka bishaan kulan ka yeelanaya damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD ayaa kubaaqay shir deg deg ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka Bishaan dalka Uganda ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD ay kulan ka yeeshaan damaca Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda IGAD iyo dhammaan xeerarka Caalamka ah ee la isla wada yaqaan.

Maraykanka iyo UK oo duqaymo ka geystay Dalka Yemen

Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa bilaabay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kuwaas oo lagu bartilmaameedsanaayey kaydadka hubka, difaaca hawada iyo xarumaha saadka.

Waxaa la duqeeyey in ka badan toban goobood oo ay ku jiraan caasimadda Sanca, dekedda Xudeyda ee badda cas, Dhamar iyo waqooyiga-galbeed ee Sacda

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa ka digay in Mareykanka iyo Ingiriiska ay qiimo weyn ku bixin doonaan waxa lagu sheegay gardarrada cad.

Tan iyo bishii November Xuuthiyiinta ayaa bartilmaameedsanaayay maraakiibta ku sii jeeda Israa’iil si ay u taageeraan xulafadooda Xamaas.

Netherlands, Australia, Canada iyo Bahrain ayaa bixiyay taageero qayb ka mid ah howlgalka,halka Sacuudi Carabiya ay sheegtay in ay si aad ah ula socoto xaaladda.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo garab istaagtey Soomaaliya

Boqortooyada Sacuudi Carabiya bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu adkeeyay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo oo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Booliska gobalka Banaadir oo mamnuucay Beensalka muraayada hore ee Bajaajta lagu xiro

Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir oo amar ka soo baxay ayaa dhamaan wadayaasha Moota Bajaajta ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda waxaa laga mamnuucay Beensalka muraayada hore ee Bajaajta lagu xiro.

Amarka ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay sababa amni dartood in loo joojiyay, iyada oo la faray wadayaasha Mooto Bajaajta in uu dhaqan galayo amarkaan maalinta Axada  oo ay taariikhdu ku beegantahay  January 13, 2024-ka.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobalka Banaadir ayaa Wadayaasha iyo Milkiilayaasha mootooyinka ku adkeeyey in ay u hoggaansamaan faritaanada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Bulshada, iyada oo uu talisku sheegay ciddii u hoggaansami weysa loo qaadandoona in ay amniga lid ku tahay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao.

Danjiraha Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda shiinaha ee madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya ay u muujisay garab istaag ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Dowladda Shiinaha oo taageertay DFS kana hortimid damaca Itoobiya ee Badda Cas

Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.”

Afhayeenka ayaa sii sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.  “Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.”

Ugu dambeen afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, “Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.”

January 1, 2024-ka magaalada Addis ayaa is-afgarad beenaad waxaa ku gaaray Ra’iisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, kaas oo ay qaraar ka soo saareen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.