Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo garab istaagtey Soomaaliya

Boqortooyada Sacuudi Carabiya bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu adkeeyay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo oo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.