AMNIGA GOBOLKA BANAADIR OO U BAAHAN IN KOR LOO QAADO

Muwaadin Feejignoow xilliyada ay dagaalladu ka jiraan dalkaada iyo dadkaaga dhexdiisa ,

Mar haddii ay jiraan howgallo iyo dagaallo ka soconaya gobollada iyo degmooyinka ku teedsan caasimadda dalka ayaa waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo amniga korna loo qaado amniga  magaalamadaxda dalka taas oo laga yaabo in jihooyin kale ay ka soo galaan cadowga islaamka oo ay dhabar jebin sameeyaan, maadaama ay ciidamadu ku sii jeedaan gobollo iyo degmooyin ka fog gobolka banadir.

Sidaas darted, ayadoo ay is kashanayaan  dadweynaha gobolka banaadir iyo ciidamada qalabka sida waa iney si wada jir ah u difaacaan gobolka banaadir iyo qaybaha uu ka kooban yahay gudaha caasimadda waxaana habboon in ay hor kacaan guddoomiyayaasha degmooyinka iyo duqa magaalada xamar.

Dhanka kale, Ciidamadu waxay u baahan yihiin dhiirrigelin iyo isgarab istaag ay u  muujiyaan shacabkoodu kalsooni.

Magaalada muqdisho waxay u baahan tahay indho feejigan oo waddanimo, nabadda iyo dowladnimadu iskama yimaadan ee dad ayaa dhiigga u dadiyey oo naftooda u huray mana jirto barwaaqo meel iska ceegaagta oo aan waardiye la heyn, haddaba toddobaadkaan waxaa ku soo batay qulqulka dadka soo galootiga ah ee ka yimaada gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan waxayna leedahay qatarteeda haddii aysan jirin hubin iyo baaris ka dhan ah soo galootiga,

Muqdisho waxaa soo gala maalin kasta boqolaal dad ah oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Haddaba waa in xil la iska saaraa sidii loo maareyn lahaa amniga gobolka banaadir iyo degaamada ku dhow dhow waana in xal loo helaa dadka soo golootiga ah ee faraha badan oo dhan kasta ka soo galaya magaalada.

Gaadmada cadowgu way nuucyo badan tahay wayna xanuun badan tahay laakiin ayadoon lagu talaxtageyn walaalnimada soomaaliyeed oo aan dhibaato loo geysaneyn dadka wada dhashay ee isku asalka iyo diinta ah ayaa haddana loo baahan yahay in la sugo amniga waddanka iyo kan deegaanka gobolka baanaadir oo ah saldhiggii waddanka oo dhan iyo meesha looga taliyo oo adduunku noo aqoonsan yahay.

Haddaba, waxaan diginin iyo feejignaan u soo jeedineynaa shacabka gobolka banaadir iyo madaxdooda in ay hurdada ka toosaan oo ay fahmaan waxa ka jira adduunka iyo dalkooda gudahiisa.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa markii firo timaado ishaada ayaa gacanta la saartaa waana dadaal iyo difaacu nafsi.

Haddaba tani waa digniin gobolka looga digayo habacsanaanta iska dhega tirka waxa ka socda dalka gudahiisa iyo siyaasadda dibadda qaybta aan ku leenahay iyo dagaallada rogaal celiska ah, Iyadoo aan la ogeyn Meesha ay duufaantani sal dhigan doonto.

Haddaba sidoo kale, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa Culeys iyo Dhib badan haddii aad aragto aqligaaga ayaa la kulmiyaa, macnaha soomaalidu waa inay gartaan inay kulmiyaan xooggooda iyo xoolahooda iyo maskaxdooda waxaa kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa Meeshii Madax jiraa Mijo loo laabaa.

Sidaas awgeed, waa muhiim in ayadoo la fiirinayo waqtiga meesha uu marayo la galo difaac nafsi iyo in lays uruuriyo.

Muwaadin, adduunku talo kama maarmo oo waxaa hoggaamiya caqliga iyo cilmiga oo is kashanaya ee iska jira waxa berri dhici kara, waxayna soomaalidu ku maahmaahdaa Geeridii galbeed laga sheego Gondahaada ka fiiri.

Sidaas darteed, u fiirso waanada iyo wacyigelinta la soco had iyo jeer Meesha ay wax marayaan iyo waxa ka jira gobollada iyo degmooyinka dalka gaar ahaan sida  dabeyluhu u dhacayaan iyo arrimaha xilligaan la taagam, ha idin deeqdo waanadu haddaad dhego wax maqla leedahiin .

WQ: Abwaan Gabayre

 

DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLO MARQAANKA

Dalka Soomaaliya waxaa marba marka kale ku soo badanaayo dadka isticmaala muqaadaraadka kala duwan ee dalka soo gala.

Muqaadaraadka ayaa inta badan waxaa lagu iibiyaa magaalooyinka waa weeyn ee dalka inta badan waxaa iibiya rag iyo haween Soomaliyeed kuwaas oo sheegta mar walba daruufo kala duwan sida inay ilmahooda ka biishaan.

Dadka inta badan isticmaala muqaadaraadka ayaa sidoo kale isugu jira Rag iyo dumar, iyagoo isticmaalkooda sabab uga dhiganaya inay waqtiga isku dhaafinayaan.

Haddaba haddii aan u soo laabanno  ragga ku talax tegay marqaanka iyo dhacdooyinka ay kala kulmeen waxaa ka mid ah.

Mid ka mid ah Ragga marqaama oo iga codsaday in aan magaciisa xusin ayaa iiga sheekeeyey dhowr dhacdo oo la yaab leh oo uu la kulmay iyo kuwa saxiibadiisa ay la kulmeen.

Sheekada ugu horreysa ee uu iisheegay ninkan ayaa Ku bilaabay, bari baa suuqa aaday waxaan soo iibsaday qaad, sigaar iyo biyo caafi oo qaboow waxa aan soo aaday guri waxaan imaaday amin casir liiq ah waxaan ooridayda ku iri ii kari shaah caleentiisu qafiif tahay sonkortana ay ku badan tahay.

maqribka ayaan tukaday waxaan u fariistay qayilaaddii, isla markiiba waan bilaabay iyada oo ay iishidan tahay hees qaraami ah, sidii aan u qayilayey anigoo fadhiyay saacado badan ayaan u yara kacay musqul.

In yar ka dib waan soo xaaja gutay waan soo baxay sidii aan u socday ayaan fariistay barxadda guriga weliba meel ay Ariga fariistaan oo ay ku nastaan.

Anigoo moodaya inaan fadhiyo firaashkeyga islana quman ayaa waxaan ku tiirsaday Ri’ ka mid ah ri’yihii guriga nagula noolaa oo Meesha fadhiyay waxaana barkaday anigoo moodaya barkinteyda, balse Ri’dii oo yaaban ayaa markiiba Meesha ka dhaqaaqday.

waan naxay anigoo is leh xagee barkinta iga aaday, haddaan saan u eegayba waaba barkintii oo sii socota, waan kacay anigoo is leh barkinta soo qabso, balse ri’dii markay aragtay in aan soo daba socdo wey iga sii carartay, qabo sidaan isu lahaa ayaan dhulka ku dhacay weliba meel dhiiqo ah.

markaas ayaan miirka helay waxaana is arkay anigoo dhex joogo mooradii ariga, taasina waxaa u sabab ahayd marqaanka, dhibkaas ayuu leeyahay marqaanka ayuu yiri ninka sheekada iisheegay.

Sheekada labaad ayaa ah sheeko cajiib ah, waxaa jiray Nin qayilayay oo marqaamay ayaa waxaa ku dhacday dhacdo cajiib ah taasi oo ah: in ninkan ayaa gaaray heerka ugu sarreeya ee marqaan ka dib markii uu arkay intii uu marqamayey armaajada gurigiisa ku jirta oo wixii ku jiray oo dhan mid mid duburka looga galinayo, wuxuu la yaabanaa arrinta socota, sidii loogu waday oo uu u adkeysanaayey ayaa markii danbe markii ay dhamaadeen wixii ku jiray ayaa Armaajadii inta la soo qaaday laga galin rabay dubarka balse, ninkii marqaamayey ayaa intaas ka dib iscelin waayey qaylana afka furtay ka dibna dadka u sheegay in armaajo duburka laga galin rabo.

Dadkii ayaa inta ay yaabeen ku qosleen taasina waa sabab ka mid ah sababaha marqaanka.

Haddaba, marqaanka badan haddii aadan iska dhaafin wuxuu ku dhaxalsiin doonaa waali ka joog intay goori goor tahay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Wasiir Daa’uud Aweys: Inta ay nool yihiin taliyeyaal Suulnuug oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa-uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalayay kulan loogu duceynayay shahiid Taliye Suulnuug ayaa sheegay in uu ahaa halyeey wax badan u soo qabtay dalkiisa iyo dadkiisa, in lagu daydo mudan.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi ay ka go’neyd in dalka laga ciribtiro khawaarijta, isagoona intaa ku daray in inta sarakiil taliye Suulnuug oo kale ah ay nool yihin ay Soomaaliya difaacan doonto dhulkeeda.

“Inta ay nool yihiin Taliyeyaal Suulnuuge oo kale ah waxaa hubaal ah in Soomaaliya ay dhulkeeda difaacan doonto, isagana Allaha u naxariisto” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa Marxuumka alle uga baryaay in Jannatul Fardowsa ugu bishaareyo, ummadda Soomaaliyeed aysan marnaba iloobi doonin kaalintii uu kulaha dib u xoreynta dalka.

Munaasabaddan loogu duceeynayay Alle ha u naxariistee Suulnuuge ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiirro, xildhibaanno katitsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo goobta ka sheegay kaalintii uu shahiid Taliya Suulnuuge kasoo qaatay howlagallada dalka looga xoreynayo khawaarijta,waxa ayna alle uga baryeen in uu naxariistiisa ugu deeqo.

Labo Badmaax oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka oo lagu waayey Xeebaha Soomaaliya

Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka ayaa lagu la’yahay biyaha badda ee u dhow xeebaha Soomaaliya, sida maalinimadii shalay lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Illaa hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan markabka ay badmaaxiintaasi la socdeen iyo magacyadooda,waxayna kamid ahaayeen kooxda 5-aad ee ciidamada badda ee ku sugan badda Cas.

Hawlgallo isugu jira baadigoob iyo  samatabbixinta ayaa haatan ka socda badda Cas, sida ay ka dhawaajiyeen taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka.

Maraykanka ayaa labadii bilood ee u dambeeyay maraakiib badan geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed, kadib weerarro isdaba joog ah oo xoogaga Xuutiyiinta Yemen ay ku fuliyeen  marakiibta ku safra badda ee ku socda Isra’el tan iyo bilowgii 17-kii Oct.

LIXDA CUDUR EE DILAAGA AH

Waxaa jira lix cudur oo dilaa ah waxaana ka mid ah jadeecada oo badiyaaba ku dhacda carruurta, waxaana lagu gartaa xummad ama qandho daran oo qabata carruurta, hammiga cuntada ayuuna cannugu lumiyaa waxaana ka luma dhadhanka cuntada.

Jadeecada ayaa dhibaato ku keenta haddii aan laga hortagin waxaana laga qaadi karaa indho beel.

Inkastoo ay jiraan dawooyin loo isticmaalo dhanka dhaqaatiirta caafimaadka hadana waxaa la ogaaday geedka mareerka in uu yahay kan ku habboon on lagula tacaalo bukaanka ay jadeecadu haleeshay.

Ogow laamaha mareerka ayaa la diiraa , diirka laamaha ayaa lagu qasaa baaldi biyo ah habeenkii, kolka waagu baryo ayaa loogu qubeeyaa ruuxa qaba cudurka jadeecada waana la cabsiiyaa in yar oo ka mid ah biyahaa.

Marka saddex maalmood sidaa la yeelo waa hubaal in ay ka soo baxdo gudaha laguna arko finan jirka ilmaha .

Waxaa ka jabta qandhada ilmihii yaraa ayaa lagu arkaa in uu kaco iskana ciyaaro halka markii hore uu jiifayey oo keliya.

Soomaalida waxay muddo fog isticmaali jireen dawo dhireedn sida kuwa lagu qaras baxo , diglow , carmal iyo raqay.

Waxaa kale oo jiray adeegsiga gaar ah ee malmalka , xabbatul sowda , xildiid , liin dhanaan , diinsi , xulbo ,toon iyo malabka .

Hadaba waa sidoo kale geedka mareerka ee ha moogaan oo tijaabi waa mid la mahadiyo.

Ma ogtahay in daawada laga sameeyo dhirta oo la wershadeeyo sida burgaandada oo dacarta laga sameeyo.

Waxaa jira ilaa iminka dad aqoon wacan u leh dawo dhireedka oo xitaa lagu arko mehrado yar oo u furan.

Ka soo qaad malabka waxaa uu dawo u yahay afar cudur haddii maid asli ah oo aan wax kale lagu barxin waxaa hubaal ah marka aad farta darto oo aad muudsato in aad ka bogsooneyso cuduro isku ogeyn xitaa.

Sidaa darteed ha moogaanin xabatul sowda , malabka ,toonta iyo liin dhanaanta , ogowna geedka mareerka in uu kaalin weyn ka qaato daweynta jadeecada.

WQ: Ibraahim Fanax

 

ASTAAMAHA LAGU GARTO MACALINKA WANAAGSAN.

Maqaalkaan waxaa diiradda ku saari doonaa qaar ka mid ah calaamadaha lagu garto macalinka wanaagsan ee ardaydu jecel yihiin.

Ku dhowaad toban gu’ oo aad jeestada/tamaashiirta sidataa, sida aan qabo, waayo-aragnimo way kuugu filan tahay. Ubaxa aad cilmiga ku habto, hor jooggooda waa lagu jimir yaraadaa

Sida lagu doodo. Tacliintu sare uma kacdo mana siraadato ilaa guddi aqoonyahanno ahi manhaj tayaysan salka u dhigaan, ka dibna barayaal u tababarani ardayda ku haloosiyaan. Hadda ganacsi ahaan ayaa loola dhaqmaa, dhulkeenna waxaan carruurteenna loo soo waaridaa manhajyo qalaad sida England, Kenya, India iyo kuwo kale oon aan ku habboonayn dadkan, goobtan iyo goortan, waa se arrin in laga tashado u baahan iyadana uma socdo ee jaarkeeda ayaan u jeedaa maanta.

Loo baraha (waalidka) doorkiisu waa ka war hayn halka ay wax marayaan iyo in kale oon sidaa u sii wayneyn.

Bartuhu (ardaygu) waa in uu maalaa maskaxda macalinka ee godlatay, jeerkaasna ka dhawraa qaniinyada (sida sheekada iyo qosolka fasalka dhexdiisa) si aanu uga gaagixin, balse yar gujiyaa si uu u dararo, isagoo kaashanaya aamusni iyo ixtiraam.

Baruhu waa wastaad dhisaya ummad ama jiil korriin jodheed iyo koboc maskaxeed u socdo. Nebbi Maxamed ayuu ahaa macalinkii ugu weynaa ee dunida soo mara sida xataa gaalku qirayo. Soddon jis oo Qur’aan ah ayuu ku shubay quluub uu shirki dishooday. Hab-dhaqan dhammaystiran ayuu baray ummada islaamka.

5ta October baa loo asteeyay inay noqoto maalinta macallimiinta adduunka. Cidda u astaysay, sababta iyo goorta adaa raadsan! Wuxuun baan jeclaystay inaan halkan ku soo gudbiyo tobaneeyo astaamood oo baraha wanaagsan leeyahay/leedahay.

  • Waa mid takhasus u leh laan-aqooneedda uu dhigayo.
  • Wuxu u tababaran yahay sida loo gubiyo aqoonta.
  • Waa mid dabeecad wanaagsan oo furfuran.
  • Waa mid ardayda dhexdooda u caddaalad fala.
  • Firficoonidu isagay ka bilaabantaa.
  • Maaha keligii taliye ay ad-adkaanta ugu baxdo, ardayduna qallafsanaanta ka barato.
  • Wuxuu leeyahay awood uu ku hanto dareenka iyo qalbiyada ardayda.
  • Wuxu dhaxanta ka duuliyaa ardayda marka ay caajis dareemaan.
  • Waa mid ka fogaada erayo faan iyo isla wayni ka muuqato.
  • Ku dhac ayaa u leeyahay su’aashaa ma garanayo, waan soo baadhi doona idina sidoo kale.
  • Waa cinjir laablaabmi kara, la dhaqmi kara oo wax fahamsiin kara arday kala awood faham iyo adkeysi duwan, kala dabeecad iyo dulqaan fiican, kala han iyo hayn gadisan.
  • Wuxu la socdaa xaalada iyo dareenada nafsadeed ee dhalinta wiilal iyo gabdhaba leh.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

Madaxweyne Xasan Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax iyo afar tilaabo ayaan qaadaynaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.

Mudana Xasan Sheekha ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan

“Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqday uu yahay balaayo,geeso la qabtana ay leedahay oo Soomaali meel walba ay joogta loo baahanyahay in ay iska qabato

“Soomaaliyeey dhaqanka Itoobiya maanta ka soo muuqda waa balaayo geeso la qabto ayeyna leedahay ee geesaha aan ka qabano.”sidaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ku dhawaaqday in la hakiyay muddo seddex cisho ah tartankii kubadda Cagta

-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh”Dalka labo cadow ayuu lee yahay,waana Al-Shabaab iyo Itoobiya.”

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha uu jeediyay ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya,

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliyeed Dr. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u diray dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa uuna ka codsaday in dowladooda ay ka taageeraan Cadawga oo ay ka mid tahay Itoobiya “ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa bad-baadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii la’idin baxsan jiray”

Madaxweyne Xasan Sheekh ” Cadow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya,waan awoodnaa dowladd iyo shacab Shababkana waan iska celinayna duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahay”.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray hadalkiisa in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo qaranimada Soomaaliya.

Halkaan hoose linkiga ka daawo muuqaalka khudbadda madaxweynaha oo dhameystiran.

Warbixinta:-Toddobaadlaha ee JFS ay ka soo saartay dhacdooyinkii dhacay toddobaadkan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saarta warbixin toddobaadle ah oo ay uga hadasho dhacdooyinkii dhacay muddada toddobaadka ah ee la soo dhaafay ,haddab halkaan hoos ka akhriso warbixinta oo toddobaadkaan aad u xiiso badan,waxaana lagu bilaabay sida tan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Kumanaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda Ethiopia oo dhowaan heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira dadaaladda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku muujuneyso diidmadeeda qayaxan ee gardarada Ethiopia, ayaa kulamo la qaatey Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar Abdel Fatah El-Sisi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara wadahadalo qoto dheer oo la xiriira xaaladda gobolka kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isais Afwerki.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci lagu burinayo heshiiskii sharci darrada ahaa ee Ethiopia la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan xadgudubka ay Itoobiya ku heyso Qaranimada Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u sheegay khatarta ka dhalan karta xasiloonida caalamka.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo uu kula hadley taliyeyaasha, saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

8- Mareykanka, Britain, Jamhuuriyadda Djibouti, Sudan, Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Eritrea iyo China oo noqday dalalkii ugu dambeeyay ee la saftay Soomaaliya, xusayna muhimadda dhowrista madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib tallaabadii gardarrada ahayd ee Ethiopia la beegsatey Soomaaliya.
9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku celiyay in marnaba uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka , sharafta iyo karaamada dalka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida dowladdooda ay ugu garab istaageen difaacida dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Raceo Tayyio Erdogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Ku-Xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell, isagoo uga mahadceliyey mowqifka adag ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

13- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 5-ta sano ee soo socota.

14- Ra’iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsiyeeyay geerida marxuum Gaashaanle Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abbaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in damaca iyo faragelinta Ethiopia ee arrimaha Soomaaliya ay dhaliyeen dareen cusub oo la xiriira wadajirka umadda Soomaaliyeed.

18- Urur Goboleedka IGAD oo iclaamiyey shir madaxeed aan caadi ahayn oo ka dhacaya dalka Uganda, oo looga hadlayo faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

19- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

20- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta si looga wadahadlo xad gudubka Itoobiya ee madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

21- Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay shir aan caadi aheyn kaas oo ay iskugu yimaadeen safiiradda wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta u fadhiya Nairobi.

22- Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa dhigay banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee faragelinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

23- Kumannaan shacab ah oo ka careysan faragelinta Ethiopia ayaa isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

24- Odayaasha Dhaqanka degmada Saylac ee gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid Is Afgaradka sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey Somaliland.

25- Shacabka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isugu soo baxay banaanbax ay kaga so horjeedaan faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

26- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

27- Qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Kenya ayaa cambaareeyay xadgudubka Ethiopia kula kacday qaranimada Soomaaliya.

28- Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa si cad uga soo horjeestay faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

29- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la yeshay Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal kaas oo ku qotomay xoojinta nidaamka caafimaadka guud ee dalka iyo horumarinta cilmi baarista caafimaadka.

30- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama oo u hambalyeeyay shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo 60-sano jirsatay.

31- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeyn ka dhacday deegaanka Jeexjeex ee Koofurta gobolka Mudug ku dilay 26 dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan ,oo uu ku jiro horjoogihii kooxda watay.

32- Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku soo qabtey shabakad ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo doonayay inay u tallaabaan Gobolka Galgaduud.

33- Wasiirkii Gaashaandhigga ee maamulka Somaliland Cabdiqani Caateeye ayaa iska casilay xilkiisa,isagoo ka soo horjeeda heshiiskii sharcidarrada ahaa ee dhexmarey Ethiopia iyo maamulka Somaliland.