AMNIGA GOBOLKA BANAADIR OO U BAAHAN IN KOR LOO QAADO

Muwaadin Feejignoow xilliyada ay dagaalladu ka jiraan dalkaada iyo dadkaaga dhexdiisa ,

Mar haddii ay jiraan howgallo iyo dagaallo ka soconaya gobollada iyo degmooyinka ku teedsan caasimadda dalka ayaa waxaa loo baahan yahay in la xoojiyo amniga korna loo qaado amniga  magaalamadaxda dalka taas oo laga yaabo in jihooyin kale ay ka soo galaan cadowga islaamka oo ay dhabar jebin sameeyaan, maadaama ay ciidamadu ku sii jeedaan gobollo iyo degmooyin ka fog gobolka banadir.

Sidaas darted, ayadoo ay is kashanayaan  dadweynaha gobolka banaadir iyo ciidamada qalabka sida waa iney si wada jir ah u difaacaan gobolka banaadir iyo qaybaha uu ka kooban yahay gudaha caasimadda waxaana habboon in ay hor kacaan guddoomiyayaasha degmooyinka iyo duqa magaalada xamar.

Dhanka kale, Ciidamadu waxay u baahan yihiin dhiirrigelin iyo isgarab istaag ay u  muujiyaan shacabkoodu kalsooni.

Magaalada muqdisho waxay u baahan tahay indho feejigan oo waddanimo, nabadda iyo dowladnimadu iskama yimaadan ee dad ayaa dhiigga u dadiyey oo naftooda u huray mana jirto barwaaqo meel iska ceegaagta oo aan waardiye la heyn, haddaba toddobaadkaan waxaa ku soo batay qulqulka dadka soo galootiga ah ee ka yimaada gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan waxayna leedahay qatarteeda haddii aysan jirin hubin iyo baaris ka dhan ah soo galootiga,

Muqdisho waxaa soo gala maalin kasta boqolaal dad ah oo aan la ogeyn waxa ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen.

Haddaba waa in xil la iska saaraa sidii loo maareyn lahaa amniga gobolka banaadir iyo degaamada ku dhow dhow waana in xal loo helaa dadka soo golootiga ah ee faraha badan oo dhan kasta ka soo galaya magaalada.

Gaadmada cadowgu way nuucyo badan tahay wayna xanuun badan tahay laakiin ayadoon lagu talaxtageyn walaalnimada soomaaliyeed oo aan dhibaato loo geysaneyn dadka wada dhashay ee isku asalka iyo diinta ah ayaa haddana loo baahan yahay in la sugo amniga waddanka iyo kan deegaanka gobolka baanaadir oo ah saldhiggii waddanka oo dhan iyo meesha looga taliyo oo adduunku noo aqoonsan yahay.

Haddaba, waxaan diginin iyo feejignaan u soo jeedineynaa shacabka gobolka banaadir iyo madaxdooda in ay hurdada ka toosaan oo ay fahmaan waxa ka jira adduunka iyo dalkooda gudahiisa.

Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa markii firo timaado ishaada ayaa gacanta la saartaa waana dadaal iyo difaacu nafsi.

Haddaba tani waa digniin gobolka looga digayo habacsanaanta iska dhega tirka waxa ka socda dalka gudahiisa iyo siyaasadda dibadda qaybta aan ku leenahay iyo dagaallada rogaal celiska ah, Iyadoo aan la ogeyn Meesha ay duufaantani sal dhigan doonto.

Haddaba sidoo kale, waxay soomaalidu ku maahmaahdaa Culeys iyo Dhib badan haddii aad aragto aqligaaga ayaa la kulmiyaa, macnaha soomaalidu waa inay gartaan inay kulmiyaan xooggooda iyo xoolahooda iyo maskaxdooda waxaa kale oo soomaalidu ku maahmaahdaa Meeshii Madax jiraa Mijo loo laabaa.

Sidaas awgeed, waa muhiim in ayadoo la fiirinayo waqtiga meesha uu marayo la galo difaac nafsi iyo in lays uruuriyo.

Muwaadin, adduunku talo kama maarmo oo waxaa hoggaamiya caqliga iyo cilmiga oo is kashanaya ee iska jira waxa berri dhici kara, waxayna soomaalidu ku maahmaahdaa Geeridii galbeed laga sheego Gondahaada ka fiiri.

Sidaas darteed, u fiirso waanada iyo wacyigelinta la soco had iyo jeer Meesha ay wax marayaan iyo waxa ka jira gobollada iyo degmooyinka dalka gaar ahaan sida  dabeyluhu u dhacayaan iyo arrimaha xilligaan la taagam, ha idin deeqdo waanadu haddaad dhego wax maqla leedahiin .

WQ: Abwaan Gabayre