Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ku dhawaaqday in la hakiyay muddo seddex cisho ah tartankii kubadda Cagta

-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in muddo seddex cisho ah la hakiyey tartanka Kubadda Cagta Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Go’aankan ayaa waxa uu kusoo aadayaa, xilli xalay la weeraray baskii ay saarnaayeen ciyaartooyda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana falkaasi cambaareeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Taliska Booliska Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir.