Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir guddoomiyay kulan guud ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Federaalka, waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodeen la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciidanka Badda Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxaa uu faahfahiyay muhiimada qaranka ay u leedahay ilaalinta xeebaha dalka iyo la dagaalanka burcad badeeda, isagoona ka jawaabay dhamman su’aalihii la weeydiiyay.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda  Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waqtiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.

 

 

    

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare

-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha Aqalka Sare ee BJFS, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Intaas kaddib, Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo doodiisa la guda galay ayay Sanatarradu ka dhiibteen aragtidooda iyo doodaha ay ka qabeen qaar ka mid ah qodobada sharciga oo ay ka hor jeediyeen Golaha.

SOO KABASHO DHAQAALE EE DALKEENA

Adduunyada waa harka labadiisa galin dhaqaaluhuna waxaa ku yimaada isbaddallo soo kabashada dhaqaalahana waxa uu u baahan yahay waxqabat badan iyo dadaal si taasi looga mira dhaliyana waxa ay u baahan tahay Ka dhabeynta horumarka ganacsiga si aan ula jaan qaadno bulshada caalamka ee Ka dhaxeeya tartamada dhanka dhaqaalaha si aan u gaarno wadamada ugu dhaqaalaha badan adduunka.

Hadaba, haddii aan u imaado soo kabashada dhaqaale ee uu dalkeena ku jira waxa aad Ka dheehan kartaa Caasimada dalka oo maanta bilic ahaan qurux, dhismayaasha, hormarada ganacsi, soo kabashada kaabayaasha dhaqaale taasina waxa ay keentay in ganacstada caalamka ay ku soo hirtaan soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho  intabadan lagu qayaasaa tiro ahaan 18milyon balse tirakoob sax oo lahaayo majirto balse waa qiyaas ahaan  bulshadaas baxaada leh hormaro kala duwan ayey ka sameeyey dhanka dhaqaalaha dalka.

Dalka Soomaaliya oo ah dalka baaxadaas leh ayey bulshadii Soomaaliyeed waxa ay  yihiin dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan, Beerashada  iyo Xoolaha nool marka loo eego dadka ku nool geeska africa.

Dalkeena marba marka kasii danbeyso waxaa kobcaayo dhaqaalaha taasi oo aad ka dheehan kartid isbadalka xoogga leh ee ku yimid dalka tobankiisano ee u danbeeyey.

Kobacaas kala duwan ee dhaqaalaheen ayaa ku yimid dadaal badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ay sameeyeen sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin waa weyn oo aysan u adkeesan karin bulshooyinka caalamka kale.

Hadaba dhibaatooyinka ayaa ahaa in dalka uu ku jiray dowladd la aan oo ay dowladdii burburtay dagaalo kala duwan dalka ka dhacay oo kumanaan bulsho aan waxbo galabsan ku dhinteen qaarna dhaawac meen iyo qaarka kalena ay dagaalada ku reebtay dhibaatooyin ma hadho ah balse bulshada Soomaaliyeed waxaas oo dhib ah waa ay u soo adkeysteen waana ay guuleysteen.

Dabcan marka aad eekto Soomaaliya waxaa kuu muuqanaayo hormarada kala duwan ee dalka ka jiro iyo dhaqaalaha xawliga ah ee sii kobcaayo uu dalkeena sameenaayo taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka oo isbadalo xoogleh ay ku socdaan.

Sidoo kale dhaqaalaha Soomalida kuma eko Soomaaliya oo kaliya balse xuduudka ayuu katilaabay waxa aad arkeysaa ganacsatada Soomalida ah ee dhaqaalaha xoogga leh ee ku haysta wadamada kala duwan sida kenya waa dal aan daris nahay hadan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maal galin xoog leh ku sameeyey suuqa islii oo ay soomaalida ay ku badan tahay dhaqalihiina waa u kobcay.

Sidoo kale waxaa jira wadama kale sida South Africa, Turkiga Ruwanda Jabuuti iyo wadama kale oo dhaqaalaha Soomaaliya yaalo marba marka kasii danbeysana uu sii kobcaayo.

Dancan dadka Soomaaliyeed waa dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan oo dhaqaala sameen kara balse waxa ay u baahan yihiin dowladd xoogleh oo difaaci karta nolasha bulshada Soomaaliyeed iyo maalkooda sidoo kalena dowladdu ay ku xirta wadamada ganacsi wadaaga ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed waxqti kasta waxa ay sameen karaan dhaqaalo xoog leh oo kobciya dalkeena haddii ay helaan xasilooni amni, dowladd difaacda Hadda kobacaas waa uu sii laba jibaarmi haddii uu helo inta aan kor ku soo xusnay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

 

DALAGGA DALKEENA DEEQ NOOGU FILAN

Soomaaliya waxa ay leedahay dhul-beereed xadigiisa lagu qiyaasay 8.9 malyan oo hektar, taas oo dalkeena ka dhigaysa in uu leeyahay carro-san oo ku wanaagsan tabaca beerashada, webiyada ku dhexyaalla aagaga ay munaasabka ku yihiin iyo hannaanka beerista dalaga ee casriga ah, intaas oo la isu geeyay ayaa keeni kara in dalkeenu uu quudka gaarsiiyo dalal badan oo aan isku helin nasiibkaas iyo deeqda ilaah.

Waqtigii ugu badnaa ee Soomaaliya dhulka ugu badan laga beero waxa ay ahayd sannadihii todobaatanaadii iyo horraantii sideetamaadkii sida ay sheegaan aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan beeranay ku dhawaad 1 malyan oo hektar, taas oo wax-soo-saarka dalka ka dhigtay mid xooggan oo dalka iyo dibadaba kala gaaray, mooska ayaana ahaa dalaga ugu badan ee aan dibada u dhoofin jirnay waqtiyadaas.

dunida maanta waxaa jira culuum casri ah oo lagu horumariyay beerashada, waxaana dalal badan oo aan lahayn dhul-beereed wanaagsan u suuragashay in ay cilmigaas ka faa’idaystaan oo tacabka beerahana ay wax badan kusoo saartaan, waxayna kutimd in wadamada dunida ay waqtigaan ku dadaalayaan in ay quudkooda isku-filnaansho ka gaaraan, haddii dunida cunno-yari ama colaado kusoo kordhaan si loo badbaadiyo dadka iyo duunyadaba.

Isbadalka cimilada iyo colaadaha caalamiga ayaa ah arrimaha ugu badan ee kordhiyay cunno-yarida dunida iyo cabsida laga qabo in quudka uu gabaabsi ku yimaado, taas ayaana si xoog leh usoo ifbaxday kadib markii uu bilawday dagaalkii Ruushka iyo Yukreen oo dunida laga dareemay kororka maciishada quudka iyo yaraanta cunnooyinka qaar oo aad looga soo dhoofsan jiray labadaas dal sida qamadiga iwm.

Qarnigan cilmi-baarista iyo tijaabooyinka culuumta ayaa dalal badan u saamaxday in ay tacabka dalaga ka gaaraan halka ugu sarraysa iyo isku-filnaansho quud, Soomaaliya waxa aan haysanaa dhul ay suurtaga ku yihiin soo-saarista nuuc kasta oo dalag ah, haddii aan kusii darno cilmiga cusub ee ilbaxnimada horseeday waxa aan noqon karnaa dal isku-filan oo dakhli xoog leh ka hela markaan dunida u iib gayno qaybaha kala duwan ee dalaga.

Maadaama ay maalinba maainta ka damabaysa sii kordhayso cabsida laga qabo cunno-yaraanta dunida kusoo fool leh, annagana aan haysano dhul carro-san ah oo aad ugu wanaagsan tabaca beeraha maxaa nala gudboon? Waxaa maxay fursadaha jira? Sideen ugu faa’idaysan karnaa culuumta casriga cusub ee lagu horumariyo beeraha? Kororka wax-soo-saarka dalaga maxaan ka faa’iidi karnaa?

Soomaaliya dawlad iyo shacab waxaa nala gudboon in ay xoogga saarno wax-soo-saarka dalka oo aan isku haysano cimiladii iyo dhulkii ku habboonaa dalaga, si aan mar dambe macaawino cuno ah dibada nalooga keenin ugu macaashno gacanteena iyo garashadeena, dunida waxaa hoggaanka u haaya manta dalalka quudkooda ayaga soo-saarta ee aan baahi u qabin in ay wax soo dhoofsadaan.

Baraaruga bulshada oo aad u kordhay iyo maalgashiga maxaliga ah oo waayadaan dalka kusoo batay ayaa furay irdaha fursadaha gaar ahaan dhiirigelinta tacabka, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisha lagu qabtay dhawr shir oo lagu soo bandhigay wax-soo-saarka dalka iyo fursadaha maalgashi ee jira, taas oo banaanka keentay shirkado.

iskaashatooyin iyo shakhsiyaad in muddo ah ku hawlanaa horumarinta beeraha iyo kheyraadka kale ee Eebe nagu manaystay, waxaana shirarkaan dhammaantood ay inta badan bangiyada Soomaaliyeed ka ballan qaadeen in ay maalgalinta xooggan ku samayn doonaan wax-soo-saarka beeraha iyo in ay fududeeyaan shuruudaha muraabaxada.

Hadaba si aan ugu faa’idaysano culuumta casriga ee lagu horumariyo wax-soo-saarka beeraha, waxaan u baahan nahay in aan sare u qaadno ardayda baranaysa kuliyada beeraha, kuwaas oo kaalin wayn ka qaadan kara in aan beerano dhulka baaxada leh ee beerashada naga sugaya.

Waxaana muuqata in ay aad noogu yaryihiin aqoonyahan ku taqasusay cilmiga beeraha, iyadoo daraasad ay samaysan hay’adda Iftin Foundation lagu sheegay sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay jaamacadaha ku yaalla guud ahaan dalka ka qalinjabiyeen kuliyada beeraha in ka yar 1500 oo arday, taas oo ah tiro aad u yar marka loo fiiriyo sida aan ugu baahan nahay.

Waxaa dunida maanta horumarka dal walba uu ka bilawdaa marka wadanka uu isku-filnaansho ka gaaro quudkiisa oo uusan dibada ugu baahan in uu cunto kasoo dhoofsado, markaas ayaana lagu tallaabsan karaa wixii kale ee horumar ah, Soomaaliya aad ayey muhiim noogu tahay inaan xoogayna iyo xirfadaynta isugu gayno wax-soo-saarka beeraha taas oo haddii aan ku dadaal galino kaalmaha hore aan adduunka ka noqon karno.

 

WQ: Abuubakar Yaasiin

 

 

Madaxweyne Xasan Sheikh”Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin in ay difaacdaan oo uusan dhaafin dhulkooda, loona ogolaan in uu cadow gudeed iyo mid dibadeed ku soo xadgudbo.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa faray qof kasta oo Soomaali ah inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu doonayo in lagu diido damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.
” Soomaaliyeey dhulka haddii uu na dhaafo noo soo noqon maayo, maanta ayuu gacanteenna ku jiraa yaanu na dhaafin, war qof kasta oo Soomaali ahaw da’ kasta ahaw, maqaan kasta la haw, meel kasta caalamka iyo Soomaaliya gudaheeda uga noolow, waxaana maanta isku direynaa is fareynaa waxay tahay carada, dhulkeenna aan ilaashano,” ayuu yiri madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa ku sheegay in in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya.

DOORASHO DADWEEENE IYO DOORKA SHACABKA

Africa intabadan waxaa ka dhaca is qab-qabsi doorasho oo mararka qaarkood ay sababaan dagaal sokeeya taasina waxa ay tahay faham la aanta democracy eek a jirta Africa basle waxaa jira wadama yar oo Africa ah oo doorasho xor iyo xalaal ka dhacday.

Guumeestayaasha marka ay ka baxeen qaar ka tirsan wadamada Africa waxaa ka bilaabatay ifafaalo wanaagsan oo dhanka democracy waxaana kow ka ahaa dalkeena soomaaliya oo ka dhacaday doorasho dadweyne oo madaxweynihii talada haayey kaga guuleystay Raiisal wasaaraha oo ugu danbeyn xilka ku wareejiyey.

Soomaaliya waa dal madaxbanaan waana dal leh xuduudo la aqoon sanyahy waana dal dadkiisa ay gaarayaan ku dhawaad labaatan malyan oo qof waan dalka dadkiisu ay baahi weyn u qabaan doorsho dadweyne si ay u soo doortaan siyaasiyiin waxtar leh oo dad iyo deegaanba wax u qaban kara islamarkaana ay ku kalsoon yihiin.

Haddii aan dib idiin celiyo guumeestihii kadib dalkeena soomaaliya  waa dalka kaliya ee Africa ay Ka jirto dimuqraadiyad xooggan oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay shacabkooda ay weydiisan jireen codkooda islamarkaana ay go aamin jireen shacabka qofka ay xilka u dhiibanayaan.

Sanadkii 1969 dalkeena soomaaliya waxaa Ka dhacaday doorasho taariiqi ah waana doorsho ay wadamo african ahay ku dadaydeen waana doorsho ay shacabka Soomaaliyeed ay go aamiyeen taasina waxa ay baal dahab ah Ka gashay taariikhda soomaaliya iyo qaarada africa.

Doorashooyinka dadweynaha waa doorsho ay shacabka ay awood buuxda u leeyhiin cidda ay rabaan in ay doortaan ama diidaan taasina waxa ay tahay democracy ay gaareen shacabka waana waxa kaliya ay shacabka anfici kara sababtoo ah shacabka haddii ay ku xumaadaan siyaasiyiinta ay doortaan waxa ay markale xaq u leeyihiin in aysan dooran siyaasiyiintaas balse badalkooda ay doortaan kuwa wax u qaban kara shacabka ay matalayaan.

Hadaba muhiimad intee in leg ayey soomaaliya u leedahay doorasho dadweyne.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay baahi weyn u qabaan mar uun in ay codkooda ku ciilbaxaan sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waxaa ugu danbeysay in ay waxdoortaan sanadkii 1967dii xiligaa oo talada looga guuleystay Madaxweyne Aadan Abdulle Cusman taasi oo Ka dhigan in shacabka Soomaaliyeed ay hamuun buuxda u qabaan in ay waxdoortaan.

In shacabka Soomaaliyeed loo celiyo codkooda waxa ay ka dhigan tahay shacabka in ay helaan fursan ay marwalba ku taamayeen taasina waa riyooyinka ay in muddo ah ay ku riyoonaayeen.

Dowladda federalka Soomaaliyeed ayaa go’aano ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in lajoogo waqtiga ay shacabka Soomaaliyeed ay codkooda dhiiban lahaayeen islamarkaana loo daadajiyo dowladdimada.

Madaxweynaha jamhuuriyada federalka Dr Hassan Sheikh Mahamuuud iyo Raiisal wasaaraha Hamze Abdi Bare oo ay qeyb Ka yihiin madaxda maamul goboleedyada ayaa go aano u daneenaayo shacabka Soomaaliyeed u soo sareen kaas oo ah in shacabka Soomaaliyeed codkooda loo celiyo ismarkaana ay soo doortaan siyaasiga ay dantooda Ka dhex arkaan.

SIdoo kale maamulka putland ayaa qabtay doorasho dadweyne oo ay shacabka reer putland ay soo dooranaayeen xildhibaanada golayaasha deegaanka waxayna u aheed guul weyn oo ay shacabkaas ay gaareen waxaana u hampalyeey madaxda dalka ugu sareeso, madaxdii hore, Ururada bulshada rayidka ah iyo wakiilada beesha caalamka.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed marwalba waxa ay u baahan yihiin in ay helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan maanta waa ay heestaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin in ay doortaan islamarkaana dadka ay doorteen ay Ka sugayaan waxqabad buuxda.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

WARBIXINTA TODDOBAADLAHA EE DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada London kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ee ka hortagga cunto yarida.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran oo looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

5- Dowladda Britain oo Soomaaliya ugu deeqeysa lacag dhan boqol milyan oo dollar oo wax looga qabanayo maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya.

6- Soomaaliya iyo Burundi oo soo saarey War-Murtiyeed wadajir kadib socdaal uu Bujumbura ku tagey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo khasaaraha ay geysteen fatahaadaha dalka ka jira ku tegay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhisi doonto buundooyinka ku burburay fatahaadaha dalka ka jira.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

10- Maalinta Macallinka ee 21-ka November oo dalka laga xusay.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka guddiga heer Qaran ee gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

12- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa guddoomiyay shirka maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo maalgashadeyaasha Britain, gaar ahaan dhanka horumarinta beeraha iyo kaluumeysiga.

13- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shir ay isugu yimaadeen guddiga qaranka ee u xil saaran ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta koocaha argagixisada.

14- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay bandhiga Warbixinta Dalxiiska iyo Marti-soorka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

15- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa sheegay in meeel gebogabo ah uu marayo qorshaha ay Soomaaliya ugu biireyso Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumaysatada Gobolka Banaadir iyo dowladda goboleedyada dalka.

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Maxamed El-Amine Souef.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Mudane Jaamac Khaliif, oo ay wehliyaan Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeyb-galaya Shirka Isgaarsiinta Raaadiyaha Adduunka (WRC-23) oo ka furmay magaalada Dubai.

19- Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa wadda dhageysiga 2aad ee dacwad musuq-maasuq ah oo loo heysto saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhexe.

20- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga dacwad loo haysto saraakiil dowladdeed oo ku eedaysan musuqmaasuq.

21- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo hore u dilay Cabdullaahi Cali Huday.

22- Ciidanka Hoggaanka Baarista Dambiyada Dowlad Goboleedka Puntland ee ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hor tagay dhagar ay kooxda Daacish u soo maleegeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

23- Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor ciidanka degaanka ayaa howlgal ay ka fuliyeen galbeedka degmada Xarardheere ku dilay horjooge iyo maleeyshiyaad la socday.

24- Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen tuulada Makiineye ee Gobolka Bakool ayaa lagu dilay 3 ka mid ah kooxda Khawaarijta.

25- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Soomaaliya Maryan Maxamed Xuseen ayaa kulan deg-deg la qaatay ururrada isbitaallada iyo bahda caafimaadka si ay isugu dubbaridaan dadaallada wax ka qabashada fatahaadaha.

26- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo u fariisatay dhageysiga 10-ruux oo ku eedeysan argagixisanimo

27- Fatahaada Webiga Shabeelle oo khasaare gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

28- Qoysas ku go’doonsan xaafadaha qaar ee magaalada Baladweyne oo xaalad adag wajahaya kadib fatahaad halkaa ka dhacdey.

29- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa magalooyinka Baydhabo iyo Baardheere u dirtay diyaaraddo wada shixnado mucaawino ah oo loogu talagaley dhibaneyaasha ay daadadku saameeyeen.

30- Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay laba eedeysane oo watay gaari lagu soo qariyay xashiish gaaraya 142-kiillo.

31- Boqolaal geesiyaasha deegaanka ah oo ka qayb qaadanaya dagaalka Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kuwaas oo diyaar u ah in ay ka qayb qaataan soo afjarista Khawaarijta .

32- Soomaaliya oo la filayo inay dhammaadka toddobaadkan si rasmi ah xubin uga noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

 DHAMMAAD

 

ISLAAMKU WAA DHOWRAHA XUQUUQDA NAFLAYDA

Islaamku wuu kasoo horjeedaa mana ogola xad-gudub walboo lagula kaco ruux bani’aadam ah Muslim iyo Gaal midkuu doono ha ahaado e, islaamku wuxuu qof walbo siiya xuquuqdiisa isla markaana si aad ah uga taxadarta eexda iyo qof jaclaysiga marka ay timaaddo xuquuq siinta qofka Muslimka ah iyo qof aan Muslim ahaynba.

Islaamku wuxuu si buuxda u damaanaqaaday nolosha qof walbo, mana jirto meel ay shareecada islaamka uga taalo in lagu xad gudbo xuquuqda ruux aan waxba galabsan, ruuxa dambiilaha ah waa meeshiisi, dambiile waa dambiile, wuxuu mutaysto ayey marinaysaa shareecada xad-gudub la’aan, xitaa dambiilaha lama ogola in lagu ciqaabo wax ka badan inta uu mutaystay (micnaha lagu xad gudbo) kaliya intuu geystay in u dhiganta uun baa laga goynayaa.

Dunida Muslimka ah, kuwooda looga dhaqmo Diinta Islaamka – qofkii sameeyo xad gudub noocuu doono iyo intuu doonana ha la ekaade waxaa lagu xukumaa wixii diinta fartay in qofkaas la marsiiyo ama lagu ciqaabo. Marka aan fiirino Haweenka Muslimiinta ah, Diintu waxay siisay xuquuq dhameystiran oo sal adag mana jirto diin aan ka aheyn Islaamka oo sidaa u ilaalisay, inkasta oo mararka qaar bulshada dhexdeeda xad gudubyo ka dhacaan haddana mar walba bulshooyinka Muslimiinta ah way ogyihiin in Diinta Islaamku ay si weyn u ilaalisay waxa ay xaqa u leeyihiin haweenka Muslimaadka ah.

Haweenku qudhooda waxaa laga rabaa inay ogaadaan in xuquuqdooda oo dhameystiran ay diintooda Islaamka u balan qaaday, sidaana, Islaamka ayaa damaanad qaaday xuquuq walboo ay leeyihiin sidaa awgeed ma jirto sabab ay ugu hanqal taagaan wax kale iyo meel kale.

Haweenka Muslimaadka ah Waxaa kaloo la gudboon  in ay si qoto-dheer u bartaan una fahmaan diintooda oo aan loogu turjumin si ay u ogaadaan darajada ay diinta islaamka gaarsiisay, inta badan haweenka muslimiinta ah hadda waxaa saacida oo ugu warama Culimada oo ka caawiya in ay fahmaan xuquuqdooda ku salaysan shareecada Islaamka. Inta badan waxaa jirta Oraah la adeegsado oo ay soo qataan dadka u ololeeya waxbrashada gabdhaha oo ah “Gabadh wax baratay waa bulasho waxbaratay”.

Ujeedka laga leeyahay Oraahdaan ayaa ah in gabdhaha lagu dhiirrigaliyo waxbarashada diini iyo maadi intaba. Nebi Muxammad NNKH, wuxuu dhiirrigaliyay waxbarashada guud ahaan rag iyo dumarba. Marka ay timaaddo in haweenku ay jago sare u tartami karaan iyo inkale waxay ubaahan tahay in dib loogu laabto shareecda oo loo bandhigo Culimada diiinta sida wanaagsan ugu xeeldheer, waxaase mar walba la og yahay in aysan diintu culeys ahayn oo ay ku dhisan tahay hab fudud oo naxariis ku jirto.

Dumarku waxay kaalin weyn ku leeyihiin arrimaha masiiriga ah haddii ay tahay mid qoys iyo bulsho intaba, waana sababta ay u yihiin aas-aaska qoyska, oo iyaga la’aantood wax badan horumar lagama gaareen marka ay timaaddo meesha dadka u ah aas aaska nolosha iyo horumarka bulshada intaba. In lala tashado haweenka waa muhiim marka la gaarayo go’aamada ku qotoma arrimaha masiiriga u ah diinta iyo kuwa bulshada ama qoysaska dhexdooda ahba, waa arrin mudnaanteeda leh, in la ogaado inay tahay wax weyn, sababtoo ah Nabi Muxammad wuu la tashan jiray xaasaskiisa taas oo muujinaysa sida shareecadu arrintaa muhiimadda u siisay.

Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha xuquuda dumarka ay shareecda Islaamku waynaysay ee waxaa jira dalal badan oo Muslimiin ah oo haweenkoodu ay sheegaan in waxa ay xaqa u leeyihiin uu qorayo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Xiligii Nabiga NNKH dumarku door muuqda ayay ku lahaayeen bulshada waxaana la xaqiijiyay haddii ay si dhab ah u fahmaan shareecda Islaamka in ay ku qancayaan halka ay diintu dhigtay xuquuqdooda.

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

ISLAAMKU MA AHAN CIRIIRI CABURIYA DADKA

Islaamku wuu ka fog yahay ciriiriga, is caburinta iyo qofka in lagu qasbo waxa uusan rabin taa badelkeedana wuxuu aad udhiiri galinayaa ixtiramka iyo isqadarinta, iyadoo dhaqan iyo diin xitaa lagu kala duwan yahay iskaba daaye muslimiinta dhexdooda, wuxuuna arinkaa uu gaarsiisay meel sare.

Diinteena Islaamka ee xaniifka ah waxay nagu amraysaa  hadaan muslimiin nahay in dhexdeena isqadarino,  guud ahaana bani’aadamka oo dhan cadaan iyo madow, muslim iyo gaal midkuu ahaadaba aan wanaag iyo ixtiraam kula dhaqano, taa oo diinteena toosan nagu boorinayso.

Waa waajib in Ruuxa muslimka ahi uu ixtiraamo walalihiisa muslimiinta ah iyo dhamaan dadkoo dhan, arrintaa oo aan kaga dayaneyno Suubanaheena Muxamed NNKH.

Bal u fiirsato, Nabiga S.C.W markii uu warqadda udirayay boqorkii roomaanka waxa uu ku bilaabay sidatan:

Nabigeena NNKH Waxa uu yiri: “waxaan ku bilaabaya magaca Allaha naxriista gaar ahaaneed iyo mida guud ahaaneedba naxriista, kasocota Muxammed rasuulkii Allah, kusocota Hiraqalkii weynaa ee ruum”.

Xaashidani waxay caddayn u tahay kana marag kacaysaa in nabiga NNKH uu ixtiraamay Hiraqal isagoo ah qof aan muslim aheyn, balse Nabigeenna NNKH uu siiyey maqaamkiisa, sidaa darteed waa inaad ixtiraam bani’aadam-nimo ku salaysan umuujisaa qofkas-ta oo bin’aadam ah, waxaana ka xaaraam ah ruuxa muslimka ahi inuu aflagaadeeyo ama uu caayo  amaba si kale u dhibaateeyo ruux kale ha ahaado muslim ama yuuna ahaanine.

Allah subxaanahu watacaala  waxa uu qur’aankiisa kariimka ku yiri isaga oo na baraya sida aan ula dhaqmi lahayn gaalada aan dagaalka naga dhexeyn:

hadal la macno ah “Ilaahay idinkama reebayo kuwa aan idin kugula dagaalaynin diintiina guryihiinana idinka saaraynin inaad usama fashaan una cadaalad sameysaan, ilaahey waxa uu jecelyahay kuwa cadaalad fala”.

Hadaba muslimiinta ilaahay sw waxa uu faray samafal iyo cadaalad inay usameeyaan qof walboo bani’aadam ah oo aan ku xadgudbeyn diintooda iyo sharafkooda, sidoo kalena waxaa laga reebay waxkastoo liddi ku ah labadaan, taa oo Nabiga SCW  uu ku sheegay samafal kaasoo ka marqaati kacaya dhaqanka wanaagsan ee astaanta u ah muslimiinta.

Diinteena islaamka waa diinta ugu ixtiraamka badan bani’aadam-nimada, laakiin gaalada ayaa rabta in dadka wax magaratada ahi ka dhaadhiciso uguna fasirto diin dagaal, iyo mid xuquuqda bani’aadam-ka ku tumanaysa si ay udamiyaan nuurka Allah, mana damin karaan oo ilaahey SW wuu dhameystirayaa nuurkiisa haba nacaan gaalada’e.

Allah SW waxa uu abuuray bani’aadamka wuuna karaameeyay waxana lagama maarmaan ah inuu qof kasta oo bani’aadam ah uu qeyb ku lahaado xushmada. sida aynu ognahay nabiga NNKH wuxuu booqday yahuudi xanuunsanaa, waxaa kaloo Nabiga scw cafis ufidiyay dad  aan muslimiin ahayn, kuwo ayuu balla-maha u oofiyay gaalada ka mida, taasna waxay ka turjumaysa qof kasta oo bani’aadam ah inuu mudanyahy ixtiraam; ku dayo qofka ugu badan ee dunida la ixtiraamo waana Nabi Muxamned NNKH.

Islaamku waa nabad gelyo iyo wada noolaasho taana waxay ku imaanaysaa kuna hagaageysaa ixtiraam iyo isqadarin dhexmarta kuwa wada nool, iyagoo haday doonaan kala heysta diimo kala duwan waayo islaamku ma qabo in qofka lagu qasbo meesha uu aadayo iyo diinta uu qaadanayo kaliya islaamku wuxuu dadka ugu yeerayaa wanaagga iyo in diinta islaamka ay tahay diinta kaliya ee adduun iyo aakhiraba dadka anfacda taa oo ku imaanaysa naseexo ee aan aheyn juujuub iyo qasab midna.

Allah SW waxa uu ku leeyahay ” : ku dhaha dadka hadal wanaagsan, sidaa darteed waa inaa ilaalinaa guud ahaan xuquuqda bani’aadam kasta, si wanaagsana ula dhaqanaa, sidaa hadaa sameynana waa aan ixtiraamnay dadka waana waxa nalooga baahan yahay. Diinta islaamka waxay gaarsiisay ixtiraamka nolosha bani’aadamka ah iyo inaan lagu xad-gudbin heer aysan gaarin dhamaan diimaha kale waxa ay na leedahay:

“Qofkii dilaa nafsad ayadoo nafsad kale dilin ama dhulka fasaadiyaa waxa uu lamid yahay qof dadka oo dhan dilay, qofkii nooleeyaana waxa uu lamid yahay qof dadka oo dhan nooleeyay”.

Hadaba, waxaad ka fahmi kartaa in islaamku halka qof ee bani’aadam-ka ahi agtiisu kaga dhigan yahay bashariyada oo idil, sidaa awgeedna aytahay in aan xushmeyno bani’aadamka oo idil, waana muhiim  in qofkastaa fahmo bani’aadamnimada, mana jiro qof uu daah kasaaran yahay inay diinteena toosan ixtiraamka qofka bani’aadamka ah ay gaarsiisay xadkii ugu sareeyay. Sidoo kale In la ixtiraamo shuruuucda iyo xeerarka, ballamaha iyo iyo hishiisyada, afkaarta iyo aragtiyaha intaba Islaamka maqaam iyo makaano weyn ayuu dajiyay.

Nabigeena NNKH waxa uu ina barayaa sida aan isku ixtiraami lahayn oo midkeen midka kale ula dhaqmi lahaa waxa uuna leeyahay naxriis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee:

“Hais xasdina, ha isku dooxina iibka , ha isku caroonina, ha isku dhabar-jeedinina, qaarkiina yey iibsan beeca qaarka kale, waxaadna noqotaan adoomadii ilaahey oo walaala ah, qofka muslimka ah muslimka kale waa walaalkiisa, ma gardarreys-to, ma liido, kama been abuurto, mana xaqiro, alla kacabsiga waa halkaan – nabiga waxa uu tilmaamay laabtiisa saddex mar- qof waxaa ugu filan shar oo dhan inuu xaqiro walaalkiisa muslimka ah, muslimkasta muslimka kale waa ka xaaraan dhiigiisa, hantidiisa iyo cirdigiisa (waa meesha qof laga amaani karo ama laga ceebeyn karo sida xaaskiisa, gabadhiisa, iyo qaraabadiisa ama naftiisaba)”.

Islaamka waxa uu nafarayaaa in la ixtiraamo nimcooyinka uu Allah SW nagu galladeystay oo ay ugu waaweyntahay nimcada islaamnimada, nimcada xoolaha iyo xayawaanka, sidoo kale nimcada cuntada iyo waxkasta oo waxtar inoo leh.

Inkastoo dhamaan xayawaanka ay tahay in la qadariyo haddana si gaar ah waxaa usii mudan inta aan dheefsano sida ariga, lo’da, geela, dameerka, faraska, iwm, kuwaasi ayaa ah kuwa ugu mudan in ladaryeelo oo la daneeyo.

Waxa ay nagu hagaysaa diinteenna in aan xayawaanka kula dhaqanno si ay naxriis iyo turid ku dheehan tahay, oo aan lagu xadgudbin, ilaahay jalla wa calaa waxa uu qur’aanka ku leeyahay:

“Nimcooleeyda (xoolaha) ilaahay dartiinna ayuu u abuuray, waxa idinku sugan diirsi, iyo waxtarro, dhankeedana ayaa ka cuntaan (hilbo), waxaa idinku sugan qurux marka aad soo celinaysaan iyo marka aad dheelminaysaan, waxa ay uxambaartaa culeyskiina magaalo eynaan gaarsiin Karin illaa inaad nafta cadaadisaan mooyee rabbigiina waa mid turid badan oo naxriis badan”

Sidaa darteed ilaahay xoolaha darteena ayuu u abuuray si aan ugu dheefsano waana inaan dhibin oo aan ku xadgudbin, waxa aan soo qaadan doonnaa laba xadiith uu nabiga SCW ugu hadlayo in lagu xadgudbin iyo in si wanaagsan loola dhaqmo.

“Jaabir waxa uu yiri: rasuulkii alle ayaa reebay in xayawaanka wajiga laga garaaco ama wajiga laga sumadeeyo” sidoo kale nabiga waxaa ka sugnaaday inuu yiri “ilaahay samafalka sheey kasta ayuu uqoray, hadii aad wax dilaysaan (ugaarsaneysan) u samafala diliddiina, hadii aad wax gowraceysaana usamafala gowriciina, midkiina ha afeysto mididiisa hana uraaxeeyo waxa uu gowracayo”.

Sidoo kale islaamka waxa uu meelsare gaarsiiyay ixtiraamka cuntada, maadaama ay ku jirto nolosheena iyo xooggeena waa in la ilaaliyaa oo lagu israafin, waxaa nasiib darrro ah in maalin kasta aan qashinka ku darno cunto nadiif ah, halka qaarkeen aysan ku baraarug saneynba qiimaha cuntada ay leedahay.

 

WD: Ibrahim Warsame

DANBIYADA IYO FAA’IIDOOYINKA TOWBAD KEENKA

Beeca xagga sharciga waa kala beddelasho laba shey si sharci ah. Beecu waa saddex shey oo kala ah:

  • Beec shey ceyn xaadir ah beeciisu waa bannaan yahay.
  • Beec shey ceyn la sifeeyay ama la tilmaamay waa bannaan yahay haddii laga helo sifadani lagu tilmaamay.

3-Beec ceyn maqan aan la arkin ma bannaana beecooda.

Waxaa anshax ah beec shey kasta oo dhaahir ah, lehna manfac, lana milkin karo. Ma bannaana beeca ceyn najis ah ama xaaraan ah ama aan lahayn manfac.

Ribada: Ribadu waxay gashaa Dahabka, lacagta, iyo quudka.

Mabannaana in la isku beddesho Dahab Dahab si isla eg mooyee sidoo kale, lacag iyo lacag isku ceyn ah si isla eg mooyee ma bannaana in hilib lagu gado xayawaan nool.

Waxaa bannaan beeco Dahab, lacag lagu gato iyagoo isdheer. Sidoo kale, si guud ma bannaana laba ceyn oo isku mid ah in la isku gato illaa si isla eg mooyee 1kg=1kg.

– Ma bannaana miro ceyriin oo geedkiisu ku yaalla illaa uu ka bislaado.

– Sidoo kale, ma bannaana beeca caano candhadooda ku jira iyo kuwo neef uurka hooyadii ku jiray.

– Ma bannaana beeca dhogor ku jirta sida nin beeca suuqa la socon oo si kedo ah qiimo hoose looga gatay beecaddiisii.

Rahmin: Dhammaan wixii beecaddii bannaan yahay wuu bannaan yahay in rahmad loo dhigo deyn darteed.

Xayirid Tasarruf:

Waa lagaa xayirayaa tasarrufka xoolahooda shan qof oo kale ah:

1- Qof aan qaangaar 2- Qof waalan 3- Qof maangaab ama doqon ah ee xoolaha ku dheela

  • Qof deyn badan lagu yeeshay 5- Qof jirran oo geeri looga baqayo wixii thuluth ka badan inuu bixiyo.

WQ: Dr. Maxamed Mursal.