MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMEY DANJIREYAASHA DALALKA HINDIYA, CZECH, JAPAN IYO JAAMACADDA CARABTA

Muqdisho, Jannaayi 14, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.
Danjirayaasha Madaxweynuhu ka guddoomay waraaqahooda safiirnimo waxa ay kala yihiin:
 Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin Dowladahoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmi doonaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Cusub ee Talyaaniga u fadhin doona Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Dacco’ Coppi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is-garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababbar u furay shaqaalaha Waaxda Farsamada ee Warbaahinta qaranka

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda Farsamada guud ee Warbaahinta Qaranka.

Tababbarkan ayaa la xiriira sidii kor loogu qaadi lahaa Khibrada iyo Farsamada waaxyaha wax soo saarka Warbaahinta Qaranka maadama kooxda Farsamada ka shaqaysaa yihiin laf dhabarta Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in tababbarkan wax weyn ka bedeli doono hawlaha Maalin laha ah ee Warbaahinta qaranka,isagoo kula dardaarmay Hawlwadeenadu in ay markasta ku baraarugsanaadaan isbedelka Teknoolajiyadda Casriga ah.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo la horgeegey Masuuliyiin loo haysto musuq maasuq

Maxkamada Racfaanka oo la horgeeyey Masuuliyiin loo haysto Musuq maasuq

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyey Eedaysanayaal loo haysto Musuq maasuq, Saraakiishan ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.

Saraakiishan ayaa waxa hore xukuno kala duwan ugu soo riday Maxkamadda gobolka Banaadir,halkaas oo Xafiiska Xeer ilaalintu ka qaatay Rafcaan,Eedaysanayaashan ayaa ahaa Masuuliyiintii Garoonka Aadan Cadde u fadhiyey Wasaaradda maaliyadda iyo Banka Dhexe.

Dagaalka Gaza oo galay maalintii 100-aad iyo dadka dunida oo ku baaqay xabbad-joojin

Dad aad u farabadan oo taageersan qadiyadda reer Falastiin ayaa bannaanbaxyo lagu dalbanayo xabad-joojin ka dhigay dalal badan oo dunida ah.

Mudaaharaadyada lagu taageeraayo Falastiiniyiinta oo ka dhacay adduunka oo dhan – laga bilaabo Johannesburg illaa Washington, DC ,waxa uu ujeedku yahay in la joojiyo xasuuqa Israel ee ka socda Gaza.

Kaqeybgalayaasha dibadbaxyadaasi ayaa ku baaqay in la sameeyo xabad-joojin lagu badbaadinaayo dadka rayidka ah ee u baahan gargaarka biniaadanimo sida cunto , dawo shiidaal .

Dibadbaxyadan ayaa imaanaya xilli maalintii100-aad ay socdaan gumaadka Israel ay ka waddo dhulka Gaza.

Dhinaca kale,Weerar habeenimadii xalay ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen guri ku yaalla Rafah ayaa lagu dilay 14 falastiiniyiin ah oo ay ku jirto gabar labo jir ah.

Sidoo kale,cagaf-cagafyada Israel ayaa galay Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.

Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay,in ka badan 60,317 waa la dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Shirka Xoghayeyaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Soomaaliya

Dooxa- Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga ayaa waxaa looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hay’adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka guddiga fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowladda Itoobiya ay kula kacday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna isla qaateen in la garab istaago dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qaranimadda Soomaaliya.

        

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka hor yimid damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

War saxaafadeed baxay kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka, xubno ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa lagu diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo akhriyay bayaanka ka soo baxay kulan ayaa sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed, lana aqbalo doonin heshiis beenaadka Addis ababa ku dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse  Biixi.

Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado, waxaan walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Waxaana shir saxaafadeed lagu sheegay in dhulka Soomaaliyed uu yahay dhaxal Ummadda Soomaaliyeed, ayna jirin cid gaar ah oo u xil saaran inay gorgortan kala gasho dowlad kale.

Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sano ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga ee magaalada Baydhabo

Yuusuf Xasan Cusmaan oo magaciisa afgarashada ee Khawariijta loo yaqaano u yahay (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey Taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa magaalada Baydhabo.

Yuusuf Diyaarsane  oo muddo 15 sano ah khawariijta ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Hisbul Islaam, Raaskanbooni iyo Hada oo uu  kamid ahaa maleeshiyada Shabab ayaa biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.

Waxaa uu u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhowr  ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bokool, Mudug, Galgaduud, Hiiran, Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya. Yuusuf oo haatan dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed kadib markii uu adkeysan waayey xaalada naf la caariga ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka u dagaalama kooxda gabal-geedu dhacay ee khawaarijta.

Duqa Muqdisho oo hey’adaha Amniga Gobolka Banaadir kala hadlay dhibkii loo geystay ciyaaryahanada KGS

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay saraakiisha laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay cayaartoyda xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed kadib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida Amniga xulalka ka qeybgalaya Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida Amniga Caasimadda, isla markaana aysan usoo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in laamaha Amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in cayaaraha ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana loogu baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.

     

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas

XIGASHO ADDIS STANDARD

Isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay. Weeraradani waxay tusaale cad u yihiin isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.

In kasta oo uu si rasmi ah u dhaqangaley heshiiskii colaad joojinta gobolka Tigra,2022-kii, haddana waxaa jira warar sheegaya in ciidammada dawladdu ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geeyeen gobollada Oromia iyo Amxaarada, tallaabadaas oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.

Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Itoobiya (ENDF), General Birhanu Jula, waxa uu qirayaa in weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn keliya loo adeegsado kooxaha dowladda ku kacsan, isagoo beeninaya in shacab lagu beegsadey. Hase yeeshee dhacdooyin dhowr ah oo la xaqiijiyay ayaa burinaya dafiraadda uu sameeyay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka degdegga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama degaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga lahayn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaan gelisay duqeymo badan oo siyaaradaha drones-ka loo adeegsadey , kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah. Weeraradaasi waxaa ka mid ah mid lagu qaaday goob basaska laga raaco iyo dugsi hoose, taas oo muujineysa xaqiiqada naxdinta leh ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Waxaa cad in duqeymaha ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladdu ay jebinayaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaysa dadka rayidka ah xilliyada dagaalka.

Waxaase ka sii daran sida muuqata in dowladda aaney wax dan ah ka gelin inay xaal mariso dhibaneyaasha iyo qoysaskooda, iyadoo si cad loogu diido inay helaan caddaalad ama magdhow laga siiyo ehelka kaga dhintey weerarada dowladda.

Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ee lagu beegsanayo shacabka ama ciidamada dagaalka ku jira ayaa loo arkaa mid khatarteeda wadata, taas oo ay ugu wacan tahay khaladaadka dhici kara, iyo isla xisaabtan la’aanta, iyo maqnaanshaha nidaamka saxda ah marka ay dhacaan falal laga baaqsan karey.

XIGASHO ADDIS STANDARD