Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababbar u furay shaqaalaha Waaxda Farsamada ee Warbaahinta qaranka

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda Farsamada guud ee Warbaahinta Qaranka.

Tababbarkan ayaa la xiriira sidii kor loogu qaadi lahaa Khibrada iyo Farsamada waaxyaha wax soo saarka Warbaahinta Qaranka maadama kooxda Farsamada ka shaqaysaa yihiin laf dhabarta Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in tababbarkan wax weyn ka bedeli doono hawlaha Maalin laha ah ee Warbaahinta qaranka,isagoo kula dardaarmay Hawlwadeenadu in ay markasta ku baraarugsanaadaan isbedelka Teknoolajiyadda Casriga ah.