Hanaanka casriga ee diiwaan galinta xogta talaalka Soomaaliya oo Muqdisho laga daah-furay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa daahfurey Munaasabadda Hanaanka casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka soo qeygaley Agaasimaha guud ee Wassaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ku simaha Hey’adda Caafimaadka aduunka(WHO), Dr. Sandani iyo xubno kale, koox farsamo oo ka socotay HISP Tazania, Save the Children, IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Khuburo Caafimaad, iyo marti Sharaf kale.

Barnaamijkan ayaa ah mid muhiim u ah xogta Caafimaadka dalkeena iyo Tallaalka Ubadka, waxa uuna sahli doonaa in xogta Tallaalka loo helo si fudud oo tixraac leh iyadoo la marayo hanaanka istiraatiijiyadda loo qorsheeyey barnaamijkan.

Intii ay socotay munaasabada waxaa lagu soo bandhigey daraasado laga sameeyey muhiimadda uu lee yahay Hanaankan casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka iyo faa’idooyinka uu si gaar ah ugu lee yahay bulshadeenna,.

    

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer Shaqo ku tagay Xerada tababarka Ciidamada ee Turkisom

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidamada xoogga dalka  ee dagaalka kula jiro khawaayijta.

Taliyaha ayaa halkaa kula hadlay ciidamo loo diyaarinayo difaaca dalka oo tababarro kala duwan lagu siinayo xerada Turkisom,isagoo u sheegay in ay qeyb ka qaadan doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta iyo Cid kasta oo isku dayda in ay kusoo xadgudubto Qarannimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.

 

  

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo si adag uga hortimid damaca Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid is-afgaradka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi, iyaga oo sheegay in falkaan uu yahay mid ka dhan ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre go’aankii geesimada lahayd ee ay qaateen iyo sida ay uga horyimaadeen damaca liita ee Itoobiya.

Muddooyinkii dambe guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka caalamka ayaa wada kulamo iyo isku soo baxyo ay uga horyimaadeen damaca dowladda Itoobiya ee Badda.

Heshiis ayaan gali kara? (WARBIXIN)

January 1, 2024-ka magaalada Addis ababa ayaa is-afgarad beenaad ah waxaa ku gaaray Ra’iisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, kaasi oo ay qaraar ka soo saareen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ku aadan arintaasi oo lagu sheegay inay tahay wax kama jiraan.

“Soomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd, wuxuuna ku tllmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan, “mana jirto” ayuu yiri “cid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliya”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna ugu dambeyn u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Dowladihii ugu dambeeyay ee barbar istaagga waxaa ugu dambeeyay Maraykanka, Sacuudi Caarbiya, Shiinaha iyo kuwa kale, Waaxda arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee ay isticmaasho waxaa lagu yirii:- “Mareykanka waxa u taageerayaa midnimada iyo madax-bannaamideed dhuleed ee dowladda Soomaaliya.”

Boqortooyada Sacuudi Carabiya bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu adkeeyay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo oo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dalalka gobolka.

Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay, Iyadoo Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.”

Afhayeenka ayaa sii sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.  “Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.”, ugu dambeyn afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, “Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.

Mudana Xasan Sheekha ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed. “Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan. “Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqday uu yahay balaayo,geeso la qabtana ay leedahay oo Soomaali meel walba ay joogta loo baahanyahay in ay iska qabato “Soomaaliyeey dhaqanka Itoobiya maanta ka soo muuqda waa balaayo geeso la qabto ayeyna leedahay ee geesaha aan ka qabano.”sidaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha uu jeediyay ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya, baaqna u diray dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in dowladooda ay ka taageeraan Cadawga oo ay ka mid tahay Itoobiya “ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa bad-baadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii la’idin baxsan jiray”, ” Cadow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya,waan awoodnaa dowladd iyo shacab Shababkana waan iska celinayna duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahay”, wuxuuna intaasi ku daray hadalkiisa in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo qaranimada Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka bisha Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,Itoobiya oo salka ku haya damaca Badda iyo sidoo kale xaaladda ka taagan dalka Suudaan,isagoo ku baaqay in la dardar galiyo wada hadalada,si xasiilooni loogu waarta loogu soo dabaalo gobolka.

Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha ka soo cusboonaday gobolka iyo xaaladda adag ee ka taagan dalka Suudaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda ka aloosan dalkaasi.

Isku soo wada xooriyoo waxaa heshiis dhinac kasta ha ka yimaadee, waxaa wada gali kara laba dowladood, sida uu qabo qanuunka dowliga ah oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, marka yaan la isku daalin taasi, ee ha la iska difaaco damaca Itoobiya iyo kuwa soo hoggaaminiyaba.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan la qaatay Sarakiisha Ciidanka ATMIS

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ATMIS,kaa oo diirada lagu saaray amniga dalka.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Booliiska waxaa lagu falanqeeyay doorka ATMIS ee ku saabsan xoojinta amniga dalka iyo Caasimadda sidii amnigeeda sare loogu qaadi lahaa, Waxaana si lamid ah kulankaan looga hadlay Howlgalka ka dhanka ah kooxaha Aragagixisada.

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahana Madaxa Howlgalka ATMIS Ambassador Mohammed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidamada Atmis  General Sam Okiding.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa ATMIS ku amaanay doorka ay ka qaateen xasilinta dalka iyo naf-hurnimada ay sameeyeen mudadii ay joogeen dalka.

 

    

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Cusub ee dowladda Hindiya u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo danjiraha Hindiya marwo Namgya C. Khampa ayaa kawada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta Caafimaadka labada dal iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadlayaasha Caafimaadka si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfada dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Danjiraha Hindiya ayaa dhankeeda soo dhawaysay qodobada laga wada hadlay iyadoo balanqaadey in khuburada Caafimaadka Hindiya ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha Caafimaadka ee dhaqaatiirta iyo howl wadeenada Caafimaadka dalkeena.

 

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la yeeshay maalgashato ka socday dalka Qatar

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) oo ay wehliyaan Wasiir ku xigeenka, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda suurtagalka ah ee waxtarka u leh labada dhinac, iyo sidii la isaga kaashan lahaa daboolidda baahida loo qabo mashaariic maalgashi oo xagga guryaha, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqalaaha dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Dhaqalaaha Qaranka, iyo Saraakiil sare  oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug.

       

Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in dalladda waxbarashada FPENS ay kumaankun oo ubad Soomaaliyeed ah ay ka badbaadisay aqoon la’aan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay dalladda Waxbarashada FPENS ay ka badbaadisay aqoon la’aan kumaankun oo ka mid ah ubadka Soomaaliyeed, isla markaana wax wayn ka badashay dhaqankoodii iyo noloshoodii.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumaddu ay dhiirigalinayso dalladaha ka shaqeeya waxbarashada dalka inay iska kaashadaan si kor loogu sii qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

Daladda Waxbarashada FPENS ayaa waxa aasaasay aqoonyahano Soomaaliyeed burburkii dowladda dhexe ka dib, taasi oo noqotay madal lagu badbaadiyey waxbarshadii carruurta, isla markaana ay ka aflaxeen in ka badan 1 milyan oo arday Soomaaliyeed ah.

                  

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay Wakiilkii UNHCR ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagoontin ah kula qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Mudane Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ah ku-xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka, maadama uu dhamaaday mudo xileedkii ay ku joogeen Somaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Hay’adda UNHCR uga mahadceliyay shaqada wanagsan oo ay ka qabteen dalka, waxaana uu sheegay in Hay’adda UNHCR ay caawiso kumanaan Barakacyaal ah oo ku nool dalka gudahiisa, isagoona kula dardaarmay madaxda cusub ee imaan doonta in ay xoojiyaan caawinta Barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo qaxootiga ajaaniibta ah ee ku nool gudaha dalka.