Qaramada M oo sheegtay in Israa’iil ay hor istaagtay badbaadinta dadka ee Woqooyiga Gaza

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadanimada ayaa sheegay in Israa’iil ay diidan yihiin gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Woqooyiga Gaza ee lagu badbaadinaayo nolosha dadka.

Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale ayaa diyaar u ah in ay sahay ka kooban cunto, daawo, biyo iyo kuwo kale oo naf  badbaadin ah    ay geeyaan waqooyiga Gaza,hasa yeeshee Israa’iil ayaa la sheegay in ay horistaageen howlaha samofal ee la doonayo in ay helaan dadka rayidka ah.

Dhowr hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ayaa codsaday in si dhakhso leh gargaarka loo gaarsiiyo Gaza sababbo la xiriira dadka oo wajahaya macluul iyo khatarta cudurada faafa.

Ugu yaraan 132 qof ayaa lagu dilay Gaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa haatan mareysa 24,100 qof halka in kabadan 60,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil ee Gaza laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar.

Duqa Muqdisho oo Casho sharaf u sameeyay wafdi ka socda dalka Cumaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, casho sharaf ugu sameeyay Wafdi ka socda Dowladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka heysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaasabada kusoo bandhigay taariikhda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, kaasi oo ku dhisan dhaqan, dhaqaale iyo iskaashi, iyadoona wafdiga dalka Cumaan ay ka mahadceliyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

        

Taliyaha qeybta 21-aad ee CXD oo kormeer ku tagay ciidanka ku sugan furmaha koofurta gobolka Mudug

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo saraakiil kale ayaa kormeer shaqo ugu tegay ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Ciidamada ay maanta kormeereen Taliyaha iyo saraashiisha kale ayaa qeyb ka ah geesiyaasha xoogga dalka ee furmaha koofurta Gobolka Mudug ku baacsanayah khawaarijta gabalkoodu dhacay ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

Sidoo kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Calin ayaa ciidanka ku amaanay sida ay ugu diyaar-garoobeen howlgalada dalka looga  sifeynayo kooxda arxanka daran ee Ugus.

Taliye Cabdi Salaad ayaa Ciidanka Faray iney sii  laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah argagaixisada si dhagarta cadowga looga badbaadiyo shacabka , guud ahaan dalkana looga xoreeyo khawaarijta.

Guddiga Arrimaha dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiir Cali Balcad

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare isaga oo gudanaya Waajibkiisa shaqo, wuxuu maanta xafiiskooda kulan kula qaateen Wasiir dowlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar (Balcad) iyo xubno kale oo la socday.

Guddiga ayaa Wasiirka wax ka waydiiyay heshiisyadii dowladda Soomaaliya ay la gashay Dowladda Itoobiya iyo halka ay marayaan miradhalka go’aannadii dowladda ee ka dhiidhinta xadgudubka Itoobiya.

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare ayaa Wasiir dowlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar (Balcad) waxa ay waydiiyeen su’aalo ku saabsan

Golaha Shacabka oo sharciga Xuquuqda Caruurta dib ugu celshay Xukuumadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 10-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa Guddoomiyaha waxaa ku wehlinayey Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow.

Ajandaha kulanka oo ahaa Akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Abuurka iyo noocyadda Ayniga dhir-beereedka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, iyo akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyeen in sharciga Xuquuqda Caruurta uu u baahan yahay sixid iyo in lagu saleeyo diinta Islaamka, ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka sheegay in sharciga Xaquuqda caruurta Soomaaliyeed dib loogu celiyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya, si loo soo saxo, laguna saleeyo diinta Islaamka.

Sidoo kale waxaa la qeybiyay Hindise Sharciyeedyada kala ah, 1- Hindise Sharciyeedka Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), 2- Hindise Sharciyeedka Badbaadada dhir-beereedka iyo Takoorka. 3-Hindise Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa  kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudub Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo fariin u diray shacabka ku nool deegaannada gobollada Waqooyi (Somaliland), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Somaliland meel walba ay oo joogaan in ay u istaagaan difaaca dalka, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

” Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya degan (Somaliland), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ayay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dhaanka u rareen, waxay idinku yiraahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soomaaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaalidi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo barwaaqo ah oo roobku ka da’o oo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sacbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku rideen, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriyadiinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yiraahdeen dhulkii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.
Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in
 dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan uu maanta markale soo hamiyo, wuxuu dhinaca kale, carabka ku adkeeyay in aysan marnaba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay  munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka, isagoo ku ammaanay dalladda dadaalkii ay gelisay kor u qaadista waxbarashada.

NISA oo warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Hormuud

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Hormuud, kaas oo daba socday codsi shirkadda u dirsatay laamaha aammaanka ka dib markii weerar lagu qaaday shirkadda.

Halka hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ka koobnaa hol bogga:-

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.

F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.

Jaamacadda Carabta oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaysa Damaca guracan ee Itoobiya

Safiirka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee  Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Safiirka ayaa tilmaamay  in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan  xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan  garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya.

Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku  baaqay in shirka laga soo saaro  go’aan adag oo  gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sdioo kalena lagu taageerayo dhamaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta  tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso faragelinta Itoobiya, taas oo ah  xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi

Ra’iisula wasaaraha iyo safiirka ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.