Hay’adda Duulista Soomaaliya oo celisay diyaarad sidday wafdi Itoobiyaan ah oo usocotay Hargeysa

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo siday wafdi sare oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo doonayey in ay ku dagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, balse Hay’adda Duulista  Soomaaliya ayaa ka  celisay una diiday inay isticmaasho Hawada Soomaaliya, taasoo ku qasabtay in ay dib ugu laabato halkii ay ka timid.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulista ayaa xaqiijiyay goordhow in ay hay’addu fasaxday hadda rakaab ay soo sido Ethiopia Airline oo u soo socda Muqdisho kuwaas oo lagu wado in ay soo gaaraan garoonka.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka oo kulan wada hadal ah la qaatay madaxda Hormuud

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka iyo shirkadda Hormuud, ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

Kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa, kuwaas oo loo xalliyay si ay ku jirto maslaxadda guud ee dalka, wuxuuna kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo bad qabka muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyada oo mar kasta dhawraysa sharciga.

Maraykanka oo damaca Itoobiya ku tilmaamay mid fursad siinaya khawaarijta

Dawladda Maraykanka ayaa mar kale si aad u culus uga hor timid xad gudubka Ethiopia ee ka dhanka ah dalkeenna, wuxuuna ku tilmaamay ficilka Abiy Axmed mid halis ku ah xasilloonida gobalka, taas oo xagal daacineysa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Agaasimaha war waafinta ee Golaha Amniga Qaranka Maraynaka John Kirby ayaa sheegay in ay dhibeyso falalka ay ku kacayso dowladda Itoobiya.

“Runtii wey na dhibeeysa arrintaasi, sida aan marar badan sheegnay, waxaan taageersannahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo wadajirka dhuleed, waana in la ixtiraamo” ayuu yiri Agaasimaha war faafinta ee Golaha Amniga Qaranka John Kirby.

Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, ayuu yiri Kirby, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

Hay’adda SoDMA oo deeq daawo ah u dirtay Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud u dirtay shixnad Daawo ah taas oo dhan 1-Tan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo isbitaalka degmadaas bukaannada ku jira, waxaana deeqdaan hay’adda SoDMA ay ku wareejisay dadka deegaanka. Degmada Ceeldheer  ayaa dhawaan  laga xoreeyey khawaarijta.

 

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qaabilay sii hayaha Saafaradda Norway

Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta Xafiiska Hantidhowrka Guud ku qaabilay sii hayaha Saafaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen iyo Madaxa Iskaashiga Saafaradda ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya Mudane Erling Hess.

Norway waxay qayb ka tahay bahwadaagta muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka kaashato dib u dhiska hay’adaha iyo hormarinta dowlad wanaagga, waxayna qayb ka tahay heshiis ka dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Hay’adda Horumarinta (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhowrada Guud ee Afrika ee ku hadla Afka Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Wasiirka maaliyadda oo daah-furay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024

Munaasabad si heer sare ay u soo agaasintay Waaxda Maasiyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, Xildhibaano mas’uuliyiinta Hay’adaha Dowladda, Runta Ganacsiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay culimo iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowladda ee 2024

Agaasimaha Miisaaniyadda wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadam ( Iraadi) oo soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa si kooban u sharxay Miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Sh Cali Maxamuud ( sh Cali Wajiis ) Prof Ciise Maxamuud Xalane agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Axmed Nuur Cabdi oo ku hadlay Afka Bangiyadda gaarka ah ayaa bogaadiyay horumarka dowladda ee Miisaaniyadda oo ka badan 1 Bilyan iyo koror dakhliga dowladda oo sanadkii tagay kordhay 25%

Dr Cali Yaasiin Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in horumarka maaliyadda ku yimid dib habeynta iyo wadashaqaynta hay’adaha Maaliyadda Qaranka oo ay udub dhexaad u tahay wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga dowladda.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay Iinkastoo dowladdu horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowladda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago.

Sanadkan Miisaaniyadda dowladda ayaa korortay 13%, Halka daqliguna kordhay sanadkii tagay ee 2023 25%, waxaana ay ku timid ka go’naanta hoggaanka dowladda ee dib u habeynta Maaliyadda

200 qof oo macluul ugu dhimatay Ethiopia

Ethiopian refugees stand in for supplies at the Um Rakuba refugee camp which houses refugees fleeing the fighting in the Tigray region, on the Sudan-Ethiopia border in Sudan, November 29, 2020. REUTERS/Baz Ratner - RC2ADK93HUQB

Addis Ababa-(SONNA)-Ilaa 225 qof – oo ay ku jiraan carruur – ayaa macaluul ugu dhintay gobolka Tigray ee ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen lixdii bil ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Ku dhowaad dhimashada ilaa- 209 qof ayaa laga diiwaan geliyay miyiga Edga Arbi, sida TV maxalli ah uu ka soo xigtay saraakiisha caafimaadka .

Deegaan kale, 16 qof, oo ku barakacay dagaalkii sokeeye ee sida arxan darrada ah halkaas uga socday muddo laba sanno ah, ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo u dhinteen.

Saraakiisha Tigreega ayaa horay uga digay inay dhacdo ama qarka loo saran yahay macaluul la mid ah tii Itoobiya ku habsatey bartamihii 80-meeyadii, xilligaas oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo carruur iyo dad waaweyn intaba.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan cunto gargaar ah gudaha Itoobiya sababo la xiriira colaadaha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Ethiopia ayaa u muuqata mid iska indha tiraysa wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi baaxadda leh ee dhanka dakhiliga ah, waxaana dhowaan ay si ka baxsan xeerarka caalamiga ah u faragelisay madax bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, tallaabadaas oo ay aad uga dhiidhiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intaba.

XIGASHO BBC-SONNA

Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho ka hirgeliyay warshad sameysa Burjikooyinka cuntada lagu karsado

Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyay warshad si maalinle ah u sameysa Burjikooyinka dad cuntada ku karsadaan, waxaana tallaabadan uu qaaday wiilkan dhallinyarada ah looga maarmi doonaa Burjikooyinkii loo doonan jiray dalka dibaddiisa.

Eng: Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalintii uu farsameeyo ku dhowaad toddobo boqol oo xabo ( Burjiko ah), isagoo aan helin wax caawin ah.

” Soomaalida inta badan waxay u badan yihiin dad danyar ah oo aan awoodin in markasta oo ay ka soo halowdo in ay dib lacag ugu sameystaan, marka waxaan jeclahay in muddo ay u heyso,’.

Warshaddan cusub oo lago magacaabo (JIKO-SOM), waxay soo saartaa noocyada kala duwan ee jikooyinka cuntada lagu kariyo, waxaanna yaala dhammaan qalabka loogu talagalay in burjikooyinkaas lagu farsameeyo.

Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaan weydiinay Bulshada kalsoonida ay ku qabi karto tayo ahaan Burjikooyinkan uu gacantiisu ku sameeyo, ” Shacabkeenna mar walba waxay jecel yihiin waxyaabaha dalka laga soo saaro, ileyn waxyaabaha dalka laga soo saaro waxa sameynayo waa walaalkood, walaalkoodna boqolkiiba boqol wuxuu ka fiirinayaa xagga tayada,”.

Injineerka ayaa aad u adeegsado baraha Bulshada, halkaas oo uu ku soo gudbiyo howsha muhiimka ah ee uu bulshada u haayo.

” Ganacsigeyga Tiktok wuxuu ka beddelay waxyaabo badan, shalay cidba ima kaseyn,” ayuu yiri, isagoo aaladda uu adeegsanayo Bulshada ugu sheegayo tayada allaabaha uu soo saaro.

Burjikooyinkan uu sameeyay wiilkan dhallinyarada ah qiimahooda waa 16-dollar, balse si aan u ogaano kuwa iyaga la midka ah ee dalka dibbadiisa laga keennay qiimaha la iibiyo iyo farqiga u dhaxeeyo, waxayna warbaahinta qaranka booqatay suuqayada lagu iibiiyo Burjikooyinka dibadda laga keennay.

Xasan Cabdikariin oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa sharxaya qiimaha lagu iibiyo burjikooyinka laga keenno dalka bannaankiisa ee ay iibiyaan.

” Waxaan ka mid ahay ganacsatada magaalada Muqdisho in muddo ahna ku soo dhex jiray, haddii aan warbixin yar kaa siiyo jikooyinkan, ” Haddana kan oo kale ”JIKAAKO”, waddanka Kenya laga keennaa, waxaa jira jikooyin badan oo waddanka lagu sameeyo, kan oo kale, waxaa laga keennaa Kenya, waxay leedahay labo naqshad lacagtoodana waa 22-dollar,”.

Xilliyadii u dambdeeyay waxaa jiray dib u kabasho, iyadoo dalka ay ku soo kordhayeen ganacsiyo yar yar, kuwaas oo daboolay baahida dad badan oo Soomaaliyeed.

Garsoore Soomaaliyeed oo caawa dhex-dhexaadin doona Koobka Qaramada Qaaradda Afrika

Abidjan- Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhex-dhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2024-ka.

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa caawa dhex-dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhici doonta dalka Ivory Coast.

Garsoore Cumar C/qaadir Cartan ayaa dhawaan kusoo baxay liiska garsoorayaasha sanadkan kasoo muuqanaya Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023-ka.

Odayaasha dhaqanka gobollada Waqooyi oo ka digay damaca guracan ee Itoobiya

Hargeysa- Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya.

Odayaashan oo qayb ka ahaa kacdoonka shacabka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan badda Soomaaliya ka ogolayn dhibic biyo ah, ciddii isku daydo in ay xoog ku qaadatana ay dhiig u daadinayaan.

Odayaashan ayaa intaa ku daray in dadka u ololeynaya meel marka heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay xaaladdoodu ku dambayn doonto sida Falastiin iyo Yuhuudda oo kale, iyagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbali doonin inta uu qof Soomaali ah nool yahay.