Odayaasha dhaqanka gobollada Waqooyi oo ka digay damaca guracan ee Itoobiya

Hargeysa- Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya.

Odayaashan oo qayb ka ahaa kacdoonka shacabka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan badda Soomaaliya ka ogolayn dhibic biyo ah, ciddii isku daydo in ay xoog ku qaadatana ay dhiig u daadinayaan.

Odayaashan ayaa intaa ku daray in dadka u ololeynaya meel marka heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay xaaladdoodu ku dambayn doonto sida Falastiin iyo Yuhuudda oo kale, iyagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbali doonin inta uu qof Soomaali ah nool yahay.