11-Eedeysane oo loo qabtay weerarkii lagu qaaday xulka Koofur Galbeed

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 1-eedeysane loo qabtay weerarkii 12-dii bishan lagu qaaday xulka Koofur Galbeed, xilli ay ka soo laabteen cayaartii ay la dheeleen xulka Galmudug saacaddu markii ay aheed 5:45pm, iyaga oo ku wajahan hoyga ay Muqdisho ka daganaayeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in eedeysanayaasha oo ka kooban 9-rag ah iyo 3-dumar ah loo hayo caddeymo horudhac ah inay ku luglahaayeen weerarka cayaartoyda.

Hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidanka sirdoonka iyo Booliska Soomaaliyeed ayaa suura geliyey in kiiskaas loo soo qabto eedeysanayaashan oo la horkeeni doono cadaaladda

Hay’adda maaraynta musiibooyinka iyo hay’adda NIS foundation oo heshiis cusub kala saxiixday

Hay’adda maareynta musiibooyinka iyo hay’adda NIS Foundation ayaa maanta heshiis is afgarad ah wada saxiixay, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA.

Heshiiskan ay gareen labada hay’addood ayaa ku saabsan iska kaashiga hawlo kala duwan oo khuseeya arrimaha isbadalka cimilada, u adkaysiga aafooyinka, In laga wada shaqeeyo sugnaanta cunadda (food security), arimaha ilaalinta deegaanka, isku xirka arrimaha gargaarka deg-degga ah iyo xalalka waara.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo agaasimaha hay’adda NIS Foundation Qaasim Gaabow Ducaale ayaa Qalinka ku jiiday heshiiskan is afgaradka ah, kaas oo wax badan ka tari doono maareynta musiibooynka iyo xalalka waara.

Baarlamanka dalka oo ka dooday xisaab-xirka dowladda ee sanadkii 2022

Kulan wadajir ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeesheen labada aqal ee Baarlamanka JFS ayey uga doodeen xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2022-ka, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda dowladda FS.

Kullanka oo ahaa Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad ayay maanta Sanatarrada iyo xildhibaanadu waxa ay si furan uga doodeen Xisaab xirka, iyaga oo soo bandhigay aragtidooda iyo qaladaad ka jira meelaha qaar, iyagoo masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda waydiiyay dhammaan su’aalihii ay ka qabeen Xisaab xirka 2022-ka.

Intaas kadi wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Cabdiqafaar Xaange ayaa Sanatarrada iyo Xildhibaannada si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay ka waydiiyeen xisaab xirka, isagoo dul istaagay una bayaaniyay meelihii sida gaar ah wax looga waydiiyay.

Kulanka oo uu guddoomiyey guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cabdi Cali Shacbaan Ibraahim, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare iyo guddoomiye ku xigeenada golaha shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay danjiraha dowladda Qatar, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka labada wadan ee walaalaha ah iyo danaha ka dhexeeya sidii loo horumarin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire Cabbdullaahi bin Saalim Al-nucaymi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.

Qatar waxa ay ka mid tahay dowladaha calaaqaadka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana ay dalka ka fulisay mashaariic horumarineed iyo kuwa samafal.

Wasiirka qorsheynta oo Muqdisho ku qaabilay siihayaha safiirka Norway

Wasiirka wasaaraddan qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan  Sheekh Faarax (Beenebeene) oo uu wehliyo agaasimaha waaxda isku-duwidda deeqaha mudane Cabdifataax Xasan Cisman ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta wasaaradda wafdi ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay siihayaha safiirka danjire Carsten Carlsen, iyo Madaxa Iskaashiga Horumarinta, Mudane Erling Hess Johnsen.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay hawlaha hortabinta u leh dowladda federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2024-ka ee ay dooneyso in mudnaanta la siiyo sida diyaarinta qorshaha 10-aad ee horumarinta Qaranka, dardargelinta Hannaanka deeqaha dalka iyo xoojinta xariirka u dhaxeeya Norway iyo Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qeyb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka dhex dhexaadka ah, kaas oo socon doono muddo Todobaad ah.

Shirkan oo ah kii 17-aad ee ay yeeshaan waddamada dhex-dhexaadka ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa xad gudubka ay dowladda Itoobiya ka waddo gobolka iyo sidii loo xakamayn lahaa damaca gurracan ee xukuumadda Abiy Axmed.

Kulanka oo la filayo in uu caawa ku biiro wafdi kale oo uu hoggaaminayo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa xasuuqa iyo tacaddiyada ay Israa’iil ka waddo marinka Gaza.

Hay’adda Duulista Soomaaliya oo celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya taas oo sidday wafdi Itoobiyaan ah oo doonayay in ay tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, Diyaaraddaas oo ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya.

Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabato magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

War saxaafadeed kasoo baxay dhawaan Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa u qornaa sidan.

Hay’adda Duulista Soomaaliya oo celisay diyaarad sidday wafdi Itoobiyaan ah

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka hadlay Shirka Warbaahinta Carabta ee ka socda Tunisia

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdulaahi Xayir Ducaale ayaa ka war bixiyay kulamo uu la qaatay madaxda ka qayb galaysa Shirka Warbaahinta Carabta ee ka socda Tunisia.

Agaasimaha ayaa sheegay in shirkan oo ahaa kii 43-aad ayaa layskula soo qaaday wixii u qabsoomay Warbaahinta Carabta sanad ka dib, gaar ahaan dhinacyada wararka, barnaamijyada iyo dhinaca suugaanta.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan warbaahinta Carabta iyo mas’uuliyiinta warbaahinta Carabta oo ka kooban 22 dal ayaa laysku weydaarsaday sidii loo wadaagi lahaa xogaha loona dabooli lahaa caqabadaha jira.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah warbaahinta Yurub, dunida Islaamka iyo Aasiya, wuxuuna sheegay in ay kulan doceenyo la qaateen qaar ka mid ah madaxda warbaahinta ee shirka ka qayb galaysa mas’uuliyiin kalena ay ballansan yihiin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in madaxdii ay la kulmeen ay ka wada hadleen sidii warbaahinta Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada tababarrada, qalabka, soo saarista barnaamijyada iyo farsamada maaddaama ay dadkii hore ee qibradda lahaa qaarkood dhinteen, inta kalena gabowday ama dhooftay.

Shirka oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa sidii ay u wada shaqayn lahaayeen warbaahinta Carbeed iyo kuwa waddamada reer Yurub qaarkood, si loo tayeeyo suxufiyiinta korna looga qaado qibraddooda.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddada isku xirta Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Masjidka Minaaradaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Masjidka Minaaradaha ee Degmada Hodan oo ay dhismaheeda iska kaashan doonan dadka deegaanka iyo maamulka degmada.

Munaasabada dhagax dhigga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda in ay dhaqaalahooda ku yaboohaan dib udhiska magaalada iyo bilic soo celinteeda.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qudbad ka jeedin doona shirka aan caadiga ahayn ee Ururka Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeedin doona shir deg deg ah oo ay isugu imanayaan Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka oo ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa xadgudubka gurracan ee dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Shirkan oo ku qabsoomi doona aaladda fogaan aragga ayaa laysku weydaarsan doonaa xaaladaha kasoo cusboonaaday Bariga Afrika iyo gardarrada qaawan ee ay Ethipia ka waddo gobolka.