Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka hadlay Shirka Warbaahinta Carabta ee ka socda Tunisia

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdulaahi Xayir Ducaale ayaa ka war bixiyay kulamo uu la qaatay madaxda ka qayb galaysa Shirka Warbaahinta Carabta ee ka socda Tunisia.

Agaasimaha ayaa sheegay in shirkan oo ahaa kii 43-aad ayaa layskula soo qaaday wixii u qabsoomay Warbaahinta Carabta sanad ka dib, gaar ahaan dhinacyada wararka, barnaamijyada iyo dhinaca suugaanta.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan warbaahinta Carabta iyo mas’uuliyiinta warbaahinta Carabta oo ka kooban 22 dal ayaa laysku weydaarsaday sidii loo wadaagi lahaa xogaha loona dabooli lahaa caqabadaha jira.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah warbaahinta Yurub, dunida Islaamka iyo Aasiya, wuxuuna sheegay in ay kulan doceenyo la qaateen qaar ka mid ah madaxda warbaahinta ee shirka ka qayb galaysa mas’uuliyiin kalena ay ballansan yihiin.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in madaxdii ay la kulmeen ay ka wada hadleen sidii warbaahinta Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada tababarrada, qalabka, soo saarista barnaamijyada iyo farsamada maaddaama ay dadkii hore ee qibradda lahaa qaarkood dhinteen, inta kalena gabowday ama dhooftay.

Shirka oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa sidii ay u wada shaqayn lahaayeen warbaahinta Carbeed iyo kuwa waddamada reer Yurub qaarkood, si loo tayeeyo suxufiyiinta korna looga qaado qibraddooda.