Baarlamanka dalka oo ka dooday xisaab-xirka dowladda ee sanadkii 2022

Kulan wadajir ah oo ay maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeesheen labada aqal ee Baarlamanka JFS ayey uga doodeen xisaab-xirka miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2022-ka, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda dowladda FS.

Kullanka oo ahaa Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad ayay maanta Sanatarrada iyo xildhibaanadu waxa ay si furan uga doodeen Xisaab xirka, iyaga oo soo bandhigay aragtidooda iyo qaladaad ka jira meelaha qaar, iyagoo masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda waydiiyay dhammaan su’aalihii ay ka qabeen Xisaab xirka 2022-ka.

Intaas kadi wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Cabdiqafaar Xaange ayaa Sanatarrada iyo Xildhibaannada si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay ka waydiiyeen xisaab xirka, isagoo dul istaagay una bayaaniyay meelihii sida gaar ah wax looga waydiiyay.

Kulanka oo uu guddoomiyey guddoomiyaha golaha shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cabdi Cali Shacbaan Ibraahim, guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee aqalka sare iyo guddoomiye ku xigeenada golaha shacabka