Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer safar ku tegay Kampala

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer safar ku tegay Kampala.

Danjire Hammer ayaa magaalada Kampala kaga qeyb galaya shir madaxeedka 42-aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda urur goboleedka IGAD, kaasi oo diiradda lagu saarayo xadgudubka Dowladda Itoobiya kula kacday Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxa uu soo dhawaynayaa hindisahan dublamaasiyadeed ee IGAD, waxana uu ku celinayaa aqoonsiga Maraykanku u aqoonsaday madaxbannaanida iyo wadajirka dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii.

Dalka Uganda ayaa maanta waxa ka socda Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD halkaas oo looga hadlayo Xadgudubka Itoobiya kula kacday Madaxbanaanida dhulleed ee Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay go’aankii Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku muujiyey sida uusan goluhu marnaba u ogoleyn in lagu xad gudbo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU, Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah”.

Dowladda Qatar oo si adag uga hor timid damaca Gurracan ee Itoobiya

Qatar:-Dowladda Qatar oo ka qeyb gashay shirka Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir, kalfadhigii aan caadiga ahayn ee shalay qabsoomay laguna lagu taageerayay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya kaas oo ka dhan ah madax banaanida iyo Midnimada dhulkeeda ee Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa waxaa kulanka uga qeyb galay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sultan bin Saad Al Muraikhi, isagoo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in ka qeyb galka kulankan deg dega ah uu yahay mid lagu taageerayo Jamhuuriyadda ay walaalaha yihiin ee Soomaaliya, taas oo uu sheegay in lagu gafay midnimadeeda dhulleed, xasiloonideeda iyo wadajirkeeda.

Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Qatar uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka soo horjeedo tallaabo kasta oo saameyn ku yeelanaysa Qaranimada Soomaaliya,isagoo caddeeyay in waajib tahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay kaalin weyn ka qaadaneyso taageeridda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinacyada horumarka ah, iyadoo taageereysa qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka.

Dowladda Imaaraadka carabta oo taageertay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Golaha Wasiirada ee Jaamacadda Carabta .

Kulankaan  oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin  arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sameeyo dadaal iyo waxqabad ku aadan horumarinta amniga iyo deganaanta geeska Afrika iyo  sidoo kale dajinta xiisadda iyo raadinta wadahadal diblomaasiyadeed.

Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray go’aan lagu taageerayo Soomaaliya.

‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)

Sida ay xaqiijisay Haya’adda duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed  ayaa sheegtay in duulimaad Lambarkiisu yahay 8372 ee Ethiopian Airlines oo aan fasax haysan ay hawada ka celisay Waaxda Hawada Dowlada Federaalka Soomaaliya diyaaradan ayaa rabtay inay ku degto magaalada Hargeysa, iyadoo si KMG ah Duulimaayada Diyaarada Ethiopian Airlines loo joojiyay, iyadoo Xogtaan ay xaqiijisay in Captain-ka Diyaarada uu ku wargeliyay Qeybta hawada inay la socdaan Wafdi (VIP) ah oo ka socda Dowlada Ethiopia, kana soo duuleen Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kuna socotay madaarka Hargeysa, waxaa lagu wargeliyay in aan loo ogolayn in uu soo degto kuna laabto bartii uu ka soo kacay.

Saraakiisha Hay’adaha Hawada ayaa ku wargelisay Captain-ka in marka hore ay soo weydistaan Fasax, laguna amray inay dib ugu noqdaan Addis Abeba.

Ilo ku dhow dhow Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarada shalay subax la celiyey ay aheyd mid khaas ah oo loo yaqaan ( VIP AIRLINE) waxaana la socday wafdi sare oo dowladda Itoobiya ah, taasoo numberkeedu ahaa ETH8273, balse diyaarad kale oo goor dhow ka degtay Hargeysa ay aheyd mid rakaab ah ayaa aheyd diyaaradda rakaabka shacabka ah ee maalinlaha u degi jirtay oo numberkeedu yahay ETH372. Tan ayaa cadeyneysa inay labada diyaarad kala duwan yihiin, oo aysan shaqo isku laheyn.

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airlines, Mesfin Tasew, oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkadddaasi leedahay oo shalay ka soo degi laheyd garoonka diyaradaha ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad lamberkeedu ahaa ET372 ayuu Agaasimuhu sheegay in aanay ogolaanshiyaha gelista hawada ka helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo keentay inay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa weysay 80% tickets-kii dadka Soomaaliyeed ee diyaaradeeda macaamiisha ka ahaa. $1.44M ay shirkada bishii ka sameyn jirtay kaliya duulimaadyadeedii Addis Ababa iyo Mogadishu ayay ku  lumisay 10-kii maalmood ee ugu dambeysay 80% ( $1.12M ), waxaana la qiyaasayaa inay intaasi kas ii hoos mari doonto, sida uu qoray wargeyska THE EAST AFRICAN ee k soo baxa wadanka Kenya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya taas oo sidday wafdi Itoobiyaan ah oo doonayay in ay tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, Diyaaraddaasi oo ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya, iyadoo Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabato magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

“In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya, waxaa kaloo cadeyn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso. Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato. Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah”, sisaasi waxa yiri Prof. Cusmaan Cali yuusuf.

“Duni waxaan joognaa Urarkii IGAD oo ahaa maqaayad ay leedahay Ethiopia oo markii ay ka weysay 1 dal oo ku tageersan boobka badaha Somalia ay iskaga carartay Kaqayb-galka Shirkii IGAD. Aby Ahmed waxa uu karaamada ka qaaday siyaasadii arimaha dibada Ethiopia oo mar aheed hormuudka Diblumasiyada Bariga iyo Bartamaha Africa. Shirka Isagoo ka maqan ayaa laga soo saari doonaa War-Murtiyeed u quus goyn-doona damaciisa caruurnimada ah.Hadii IGAD looga adkaado shaki kuma jiro in looga adkaan doono African Union IYO Security Councilka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu wadamada uu saaxiibada la yahay la kaashanayo arrinta damaca Itoobiya Dhulka Soomaaliya, si ay uga horyimaadaan is-afgaradkii sharci-darrada lagu tilmaamay ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

“Fircoon nin talo xun ayuu ahaa si uu u sii socday reerkiisa naarta ayuu dalaqsiiyay, kanna soo u sii socday lafti nagaa ayuu dalaqsiiyay”. Sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo sifeynayay talo xumada uu wado Muuse Biixi, “waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari laheydeen”, isagoo shacabka Soomaaland la hadlaayay ayuu sii raaciyay.

Dhinca kale Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen shalay oo Arbaco ah Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988, iyagoo isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee Barriga, Badda iyo Cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaliya ay xaqa ay u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan, waxaa kaloo goluhu taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u ku aadan heshiis beenaadka ah ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyoSomaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ay ku tilmaameen inay tahay ku xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka, waxaa kale ee uu soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD, kaasi oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.

Madasha garyaaqannada Soomaaliyeed“Gobonnimada iyo Midnimadeeda dhuleeed ee JFS waa lama taabtaan”

War qoraal ah oo ka soo baxay Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan.

Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo ah madal ay ku midaysanyihiin xeeryaqaanka Soomaaliyeed waxa ay qabatay kulan cilmiyeed ku saabsan aragtida sharci ee xadgudbka Dowladda Itoobiya ay ku soo xadgudubtay gobnnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana laga soo jeediyey aragtiyo sharci,gebogabadiina waxa ka soo baxay qodobadan:-
MADASHU WAXAY CADDEYNAYSAA:
1. In gobonnimada Dowladda Soomaaliya iyo Midnimadeeda dhuleeed ay tahay  lama taabtaan sida ku cad cahdiga Qaramad Midoobay (QM), iyo ururgoboleedyada Midawga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida ay dhigayaan curfiga iyo xeerka caalamiga ahi.

  1. In is af-garadka la sheegay in galeen Dowladda Ethiopia iyo Soomaalilaan uu yahay faragalin arrimaha Soomaaliya, taas oo baalmarsan curfiga caalamka,diblumaasiyadda iyo xeerka caalamiga ah.
  2. In Maalgashiga Caalmiga ah ee Soomaaliya uu nidaaminayo sharci, heshiis kasta oo aan sharciga waafaqsaneyna uusan ahayn heshiis maalgashi.
  3. In Dowladda Soomaaliyeed ay xaq qaanuuneed u leedahay in ay is difaacdo, sidoo kale in ay Dowladaha xiriirka la leh la kaashato difaaca dhulkeeda si waafaqsan qodobka 51aad ee cahdiga QM, haddii lagu soo xadgubo gobnnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed.
  4. In Shareecada islaamka aysan ku bannaanayn in dhulka Muslimka la makaniyo (loo gacan galiyo) cadowga Muslimka,halkaana ay dhibaato ka soo gaarto danahooda masiiriga ah. Waxayna shareecadu qabtaa in xukunka shayga lagu dhiso waxa uu ku danbayn doono, ee aan wax lagu dhisin kaliya waxa hadda jira .MADASHU WAXA AY SOO JEEDINAYSAA: –
    1. In Dowladda Soomaaliya aysan marnaba oggalaan tallaabo kasta oo xadgudub ah oo baalmaran xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah taas oo wax u dhimi
    karta gobonnimada iyo midnimada Soomaaliyeed, cid kasta oo ay ka timaadaba.
    2. In dib-u-habayn iyo qaabeyn lagu sameeyo, korna loo qaado tayada howl[1]wadeena xafiisyada sarsare ee dowladda gaar ahaan kuwo la falgala xariirrada dibadda sida Wasaadadda Arimaha Dibadda, wasaaradda cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka iyo Garyaqanka guud.
  5. Dawladdu waa in laba safiir oo kala duwan u magacowdaa dalalka iyo ururrada xaruntoodu ku taallo dalalkaas si looga fogaado in xubnaha nagu matalaya ururrada maqnaadaan haddii labada dawladadood xiriirkoodu xumaado.
    Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelineynaa Dawladda Soomaaliya tallaabooyinka iyo mowqifka ay ka qaadatay ilaalinta iyo difaaca gobannimada, madaxbannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Siihayaha xilka wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qayb galay shir-madaxeedka dalalka dhexdhexaadka ah

Shir-madaxeedka dalalka dhexdhexaadka ee ka socday Kampala oo maalintii 3-aad galay ayuu shirka ahaa heerka wasiirada Arrimaha Dibadda shir-madaxeedka dalalka dhexdhexaadka ah.

Soomaaliya waxaa ku matalayay Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna wasiiru dowladaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar ( Cali Balcad), isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, waxuuna xoogeeda kaga hadlay damaca Guracan ee Itoobiya iyo saameynta ay yeelan karto gobolka.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali ayaa sheegay in maalmahan Uganda ka dhacayaan dhowr shir-madaxeed oo is dulsaaran kuwaas oo maalmaha soo socda Kampala ka dhici doona Sida Shirka wadamada dhexdhexaadka ah (NAM) G77+China, iyo IGAD

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa halkaas uga qeyb-galayo shir aan caadi aheyn oo ay Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Wafdiga wehelinaya ayaa sidoo kale ka qeyb-gali doona shirka Isbaheysiga dalalka dhex dhexaad ka ah oo ka dhaya halkaas.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda carabta oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan damaca liita ee Ethiopia

Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen maanta oo Arbaco ah Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988.

Wasiirrada ayaa isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaliya ay xaqa ay u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan.

Golaha ayaa sheegay in uu taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u ku aadan heshiis beenaadka ah ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyoSomaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ay ku tilmaameen inay tahay ku xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay inay Soomaaliya ku taageerayaan inay u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda dacwad ka dhan ah xadgudubka Itoobiya, iyadoo laga qaadanayo diidmo buuxda heshiis beenaadkaas.

Qodobada ka soo baxay golaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Somaliland tahay qeyb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya loona baahanyahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee JFS, iyadoo la tix-raacayo Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Mabaadi’diisa, iyo kan Axdiga Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa tilmaamay halista ay leedahay xadgudubka Itoobiya oo gobolka ka dhigeyso mid xasilloonidiisa meesha ka saareyso, iyagoo arrintan u xilsaarray goleyaasha safiirada Carabta ee magaalooyin New York, Goya, Viana, Bruxem, Addis Ababa, Washington, iyo LodenParis, Beijing iyo Mexico, u gudbinta go’aankan ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada ay joogaan.

Ugu dambeyn wasiirrada ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Jamacada Carabta in qodobada ka soo baxay loo sameeyo guddi heer wasiir ah oo dabagal ku sameeya dhaqangelinta go’aannada ka soobaxay, si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Midowga Afrika oo dhaleeceeyey damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya.

Golaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbikarin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka.

Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD kaas oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.