‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)

Sida ay xaqiijisay Haya’adda duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed  ayaa sheegtay in duulimaad Lambarkiisu yahay 8372 ee Ethiopian Airlines oo aan fasax haysan ay hawada ka celisay Waaxda Hawada Dowlada Federaalka Soomaaliya diyaaradan ayaa rabtay inay ku degto magaalada Hargeysa, iyadoo si KMG ah Duulimaayada Diyaarada Ethiopian Airlines loo joojiyay, iyadoo Xogtaan ay xaqiijisay in Captain-ka Diyaarada uu ku wargeliyay Qeybta hawada inay la socdaan Wafdi (VIP) ah oo ka socda Dowlada Ethiopia, kana soo duuleen Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kuna socotay madaarka Hargeysa, waxaa lagu wargeliyay in aan loo ogolayn in uu soo degto kuna laabto bartii uu ka soo kacay.

Saraakiisha Hay’adaha Hawada ayaa ku wargelisay Captain-ka in marka hore ay soo weydistaan Fasax, laguna amray inay dib ugu noqdaan Addis Abeba.

Ilo ku dhow dhow Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaarada shalay subax la celiyey ay aheyd mid khaas ah oo loo yaqaan ( VIP AIRLINE) waxaana la socday wafdi sare oo dowladda Itoobiya ah, taasoo numberkeedu ahaa ETH8273, balse diyaarad kale oo goor dhow ka degtay Hargeysa ay aheyd mid rakaab ah ayaa aheyd diyaaradda rakaabka shacabka ah ee maalinlaha u degi jirtay oo numberkeedu yahay ETH372. Tan ayaa cadeyneysa inay labada diyaarad kala duwan yihiin, oo aysan shaqo isku laheyn.

Maamulaha shirkadda Ethiopia Airlines, Mesfin Tasew, oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkadddaasi leedahay oo shalay ka soo degi laheyd garoonka diyaradaha ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad lamberkeedu ahaa ET372 ayuu Agaasimuhu sheegay in aanay ogolaanshiyaha gelista hawada ka helin Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo keentay inay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa weysay 80% tickets-kii dadka Soomaaliyeed ee diyaaradeeda macaamiisha ka ahaa. $1.44M ay shirkada bishii ka sameyn jirtay kaliya duulimaadyadeedii Addis Ababa iyo Mogadishu ayay ku  lumisay 10-kii maalmood ee ugu dambeysay 80% ( $1.12M ), waxaana la qiyaasayaa inay intaasi kas ii hoos mari doonto, sida uu qoray wargeyska THE EAST AFRICAN ee k soo baxa wadanka Kenya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya taas oo sidday wafdi Itoobiyaan ah oo doonayay in ay tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, Diyaaraddaasi oo ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya, iyadoo Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabato magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.

“In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya, waxaa kaloo cadeyn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso. Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato. Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah”, sisaasi waxa yiri Prof. Cusmaan Cali yuusuf.

“Duni waxaan joognaa Urarkii IGAD oo ahaa maqaayad ay leedahay Ethiopia oo markii ay ka weysay 1 dal oo ku tageersan boobka badaha Somalia ay iskaga carartay Kaqayb-galka Shirkii IGAD. Aby Ahmed waxa uu karaamada ka qaaday siyaasadii arimaha dibada Ethiopia oo mar aheed hormuudka Diblumasiyada Bariga iyo Bartamaha Africa. Shirka Isagoo ka maqan ayaa laga soo saari doonaa War-Murtiyeed u quus goyn-doona damaciisa caruurnimada ah.Hadii IGAD looga adkaado shaki kuma jiro in looga adkaan doono African Union IYO Security Councilka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu wadamada uu saaxiibada la yahay la kaashanayo arrinta damaca Itoobiya Dhulka Soomaaliya, si ay uga horyimaadaan is-afgaradkii sharci-darrada lagu tilmaamay ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

“Fircoon nin talo xun ayuu ahaa si uu u sii socday reerkiisa naarta ayuu dalaqsiiyay, kanna soo u sii socday lafti nagaa ayuu dalaqsiiyay”. Sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo sifeynayay talo xumada uu wado Muuse Biixi, “waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari laheydeen”, isagoo shacabka Soomaaland la hadlaayay ayuu sii raaciyay.

Dhinca kale Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen shalay oo Arbaco ah Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda Carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988, iyagoo isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee Barriga, Badda iyo Cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaliya ay xaqa ay u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan, waxaa kaloo goluhu taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u ku aadan heshiis beenaadka ah ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyoSomaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ay ku tilmaameen inay tahay ku xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka, waxaa kale ee uu soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD, kaasi oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.