Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda carabta oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aaddan damaca liita ee Ethiopia

Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen maanta oo Arbaco ah Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka jaamacadda carabta, oo uu khudbad dhanka fogaaan arag ah ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, loogana hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988.

Wasiirrada ayaa isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Wasiirrada ayaa tilmaamay in Soomaliya ay xaqa ay u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaranneed Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la taageerayo tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan.

Golaha ayaa sheegay in uu taageero buuxda lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u ku aadan heshiis beenaadka ah ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyoSomaliland, kaas oo ay sheegeen in uusan waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ay ku tilmaameen inay tahay ku xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay inay Soomaaliya ku taageerayaan inay u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda dacwad ka dhan ah xadgudubka Itoobiya, iyadoo laga qaadanayo diidmo buuxda heshiis beenaadkaas.

Qodobada ka soo baxay golaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Somaliland tahay qeyb kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya loona baahanyahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee JFS, iyadoo la tix-raacayo Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Mabaadi’diisa, iyo kan Axdiga Qaramada Midoobay.

Golaha ayaa tilmaamay halista ay leedahay xadgudubka Itoobiya oo gobolka ka dhigeyso mid xasilloonidiisa meesha ka saareyso, iyagoo arrintan u xilsaarray goleyaasha safiirada Carabta ee magaalooyin New York, Goya, Viana, Bruxem, Addis Ababa, Washington, iyo LodenParis, Beijing iyo Mexico, u gudbinta go’aankan ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada ay joogaan.

Ugu dambeyn wasiirrada ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Jamacada Carabta in qodobada ka soo baxay loo sameeyo guddi heer wasiir ah oo dabagal ku sameeya dhaqangelinta go’aannada ka soobaxay, si looga hortago damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.