Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay danjiraha dowladda Qatar, waxaana ay ka wada hadleen calaaqaadka labada wadan ee walaalaha ah iyo danaha ka dhexeeya sidii loo horumarin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo danjire Cabbdullaahi bin Saalim Al-nucaymi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.

Qatar waxa ay ka mid tahay dowladaha calaaqaadka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxaana ay dalka ka fulisay mashaariic horumarineed iyo kuwa samafal.