Wasiirka qorsheynta oo Muqdisho ku qaabilay siihayaha safiirka Norway

Wasiirka wasaaraddan qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan  Sheekh Faarax (Beenebeene) oo uu wehliyo agaasimaha waaxda isku-duwidda deeqaha mudane Cabdifataax Xasan Cisman ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta wasaaradda wafdi ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay siihayaha safiirka danjire Carsten Carlsen, iyo Madaxa Iskaashiga Horumarinta, Mudane Erling Hess Johnsen.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay hawlaha hortabinta u leh dowladda federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2024-ka ee ay dooneyso in mudnaanta la siiyo sida diyaarinta qorshaha 10-aad ee horumarinta Qaranka, dardargelinta Hannaanka deeqaha dalka iyo xoojinta xariirka u dhaxeeya Norway iyo Soomaaliya.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.