200 qof oo macluul ugu dhimatay Ethiopia

Ethiopian refugees stand in for supplies at the Um Rakuba refugee camp which houses refugees fleeing the fighting in the Tigray region, on the Sudan-Ethiopia border in Sudan, November 29, 2020. REUTERS/Baz Ratner - RC2ADK93HUQB

Addis Ababa-(SONNA)-Ilaa 225 qof – oo ay ku jiraan carruur – ayaa macaluul ugu dhintay gobolka Tigray ee ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen lixdii bil ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Ku dhowaad dhimashada ilaa- 209 qof ayaa laga diiwaan geliyay miyiga Edga Arbi, sida TV maxalli ah uu ka soo xigtay saraakiisha caafimaadka .

Deegaan kale, 16 qof, oo ku barakacay dagaalkii sokeeye ee sida arxan darrada ah halkaas uga socday muddo laba sanno ah, ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo u dhinteen.

Saraakiisha Tigreega ayaa horay uga digay inay dhacdo ama qarka loo saran yahay macaluul la mid ah tii Itoobiya ku habsatey bartamihii 80-meeyadii, xilligaas oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo carruur iyo dad waaweyn intaba.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan cunto gargaar ah gudaha Itoobiya sababo la xiriira colaadaha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Ethiopia ayaa u muuqata mid iska indha tiraysa wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi baaxadda leh ee dhanka dakhiliga ah, waxaana dhowaan ay si ka baxsan xeerarka caalamiga ah u faragelisay madax bannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, tallaabadaas oo ay aad uga dhiidhiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intaba.

XIGASHO BBC-SONNA