Hay’adda Duulista Soomaaliya oo celisay diyaarad sidday wafdi Itoobiyaan ah oo usocotay Hargeysa

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo siday wafdi sare oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo doonayey in ay ku dagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, balse Hay’adda Duulista  Soomaaliya ayaa ka  celisay una diiday inay isticmaasho Hawada Soomaaliya, taasoo ku qasabtay in ay dib ugu laabato halkii ay ka timid.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulista ayaa xaqiijiyay goordhow in ay hay’addu fasaxday hadda rakaab ay soo sido Ethiopia Airline oo u soo socda Muqdisho kuwaas oo lagu wado in ay soo gaaraan garoonka.