Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi

Ra’iisula wasaaraha iyo safiirka ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.