Qaramada M oo sheegtay in Israa’iil ay hor istaagtay badbaadinta dadka ee Woqooyiga Gaza

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadanimada ayaa sheegay in Israa’iil ay diidan yihiin gargaarka bini’aadanimo ee ku socda Woqooyiga Gaza ee lagu badbaadinaayo nolosha dadka.

Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale ayaa diyaar u ah in ay sahay ka kooban cunto, daawo, biyo iyo kuwo kale oo naf  badbaadin ah    ay geeyaan waqooyiga Gaza,hasa yeeshee Israa’iil ayaa la sheegay in ay horistaageen howlaha samofal ee la doonayo in ay helaan dadka rayidka ah.

Dhowr hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ayaa codsaday in si dhakhso leh gargaarka loo gaarsiiyo Gaza sababbo la xiriira dadka oo wajahaya macluul iyo khatarta cudurada faafa.

Ugu yaraan 132 qof ayaa lagu dilay Gaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa haatan mareysa 24,100 qof halka in kabadan 60,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil ee Gaza laga soo bilaabo 7-dii Oktoobar.