Taliyaha qeybta 21-aad ee CXD oo kormeer ku tagay ciidanka ku sugan furmaha koofurta gobolka Mudug

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo saraakiil kale ayaa kormeer shaqo ugu tegay ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Ciidamada ay maanta kormeereen Taliyaha iyo saraashiisha kale ayaa qeyb ka ah geesiyaasha xoogga dalka ee furmaha koofurta Gobolka Mudug ku baacsanayah khawaarijta gabalkoodu dhacay ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

Sidoo kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Calin ayaa ciidanka ku amaanay sida ay ugu diyaar-garoobeen howlgalada dalka looga  sifeynayo kooxda arxanka daran ee Ugus.

Taliye Cabdi Salaad ayaa Ciidanka Faray iney sii  laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah argagaixisada si dhagarta cadowga looga badbaadiyo shacabka , guud ahaan dalkana looga xoreeyo khawaarijta.