Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer Shaqo ku tagay Xerada tababarka Ciidamada ee Turkisom

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakiisha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tababarada Ciidamada xoogga dalka  ee dagaalka kula jiro khawaayijta.

Taliyaha ayaa halkaa kula hadlay ciidamo loo diyaarinayo difaaca dalka oo tababarro kala duwan lagu siinayo xerada Turkisom,isagoo u sheegay in ay qeyb ka qaadan doonaan howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta iyo Cid kasta oo isku dayda in ay kusoo xadgudubto Qarannimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.