Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug.