Hanaanka casriga ee diiwaan galinta xogta talaalka Soomaaliya oo Muqdisho laga daah-furay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa daahfurey Munaasabadda Hanaanka casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ka soo qeygaley Agaasimaha guud ee Wassaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ku simaha Hey’adda Caafimaadka aduunka(WHO), Dr. Sandani iyo xubno kale, koox farsamo oo ka socotay HISP Tazania, Save the Children, IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Khuburo Caafimaad, iyo marti Sharaf kale.

Barnaamijkan ayaa ah mid muhiim u ah xogta Caafimaadka dalkeena iyo Tallaalka Ubadka, waxa uuna sahli doonaa in xogta Tallaalka loo helo si fudud oo tixraac leh iyadoo la marayo hanaanka istiraatiijiyadda loo qorsheeyey barnaamijkan.

Intii ay socotay munaasabada waxaa lagu soo bandhigey daraasado laga sameeyey muhiimadda uu lee yahay Hanaankan casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka iyo faa’idooyinka uu si gaar ah ugu lee yahay bulshadeenna,.