Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo si adag uga hortimid damaca Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah madaxda Jaaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid is-afgaradka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi, iyaga oo sheegay in falkaan uu yahay mid ka dhan ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre go’aankii geesimada lahayd ee ay qaateen iyo sida ay uga horyimaadeen damaca liita ee Itoobiya.

Muddooyinkii dambe guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka caalamka ayaa wada kulamo iyo isku soo baxyo ay uga horyimaadeen damaca dowladda Itoobiya ee Badda.