Shirka Xoghayeyaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Soomaaliya

Dooxa- Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga ayaa waxaa looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hay’adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka guddiga fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowladda Itoobiya ay kula kacday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna isla qaateen in la garab istaago dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qaranimadda Soomaaliya.