Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sano ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga ee magaalada Baydhabo

Yuusuf Xasan Cusmaan oo magaciisa afgarashada ee Khawariijta loo yaqaano u yahay (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey Taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa magaalada Baydhabo.

Yuusuf Diyaarsane  oo muddo 15 sano ah khawariijta ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Hisbul Islaam, Raaskanbooni iyo Hada oo uu  kamid ahaa maleeshiyada Shabab ayaa biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.

Waxaa uu u qaabilsanaa Jabhada, isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhowr  ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bokool, Mudug, Galgaduud, Hiiran, Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya. Yuusuf oo haatan dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed kadib markii uu adkeysan waayey xaalada naf la caariga ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka u dagaalama kooxda gabal-geedu dhacay ee khawaarijta.