Dagaalka Gaza oo galay maalintii 100-aad iyo dadka dunida oo ku baaqay xabbad-joojin

Dad aad u farabadan oo taageersan qadiyadda reer Falastiin ayaa bannaanbaxyo lagu dalbanayo xabad-joojin ka dhigay dalal badan oo dunida ah.

Mudaaharaadyada lagu taageeraayo Falastiiniyiinta oo ka dhacay adduunka oo dhan – laga bilaabo Johannesburg illaa Washington, DC ,waxa uu ujeedku yahay in la joojiyo xasuuqa Israel ee ka socda Gaza.

Kaqeybgalayaasha dibadbaxyadaasi ayaa ku baaqay in la sameeyo xabad-joojin lagu badbaadinaayo dadka rayidka ah ee u baahan gargaarka biniaadanimo sida cunto , dawo shiidaal .

Dibadbaxyadan ayaa imaanaya xilli maalintii100-aad ay socdaan gumaadka Israel ay ka waddo dhulka Gaza.

Dhinaca kale,Weerar habeenimadii xalay ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen guri ku yaalla Rafah ayaa lagu dilay 14 falastiiniyiin ah oo ay ku jirto gabar labo jir ah.

Sidoo kale,cagaf-cagafyada Israel ayaa galay Jenin oo ku taal Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.

Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay,in ka badan 60,317 waa la dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.