DANBIYADA IYO FAA’IIDOOYINKA TOWBAD KEENKA

Beeca xagga sharciga waa kala beddelasho laba shey si sharci ah. Beecu waa saddex shey oo kala ah:

  • Beec shey ceyn xaadir ah beeciisu waa bannaan yahay.
  • Beec shey ceyn la sifeeyay ama la tilmaamay waa bannaan yahay haddii laga helo sifadani lagu tilmaamay.

3-Beec ceyn maqan aan la arkin ma bannaana beecooda.

Waxaa anshax ah beec shey kasta oo dhaahir ah, lehna manfac, lana milkin karo. Ma bannaana beeca ceyn najis ah ama xaaraan ah ama aan lahayn manfac.

Ribada: Ribadu waxay gashaa Dahabka, lacagta, iyo quudka.

Mabannaana in la isku beddesho Dahab Dahab si isla eg mooyee sidoo kale, lacag iyo lacag isku ceyn ah si isla eg mooyee ma bannaana in hilib lagu gado xayawaan nool.

Waxaa bannaan beeco Dahab, lacag lagu gato iyagoo isdheer. Sidoo kale, si guud ma bannaana laba ceyn oo isku mid ah in la isku gato illaa si isla eg mooyee 1kg=1kg.

– Ma bannaana miro ceyriin oo geedkiisu ku yaalla illaa uu ka bislaado.

– Sidoo kale, ma bannaana beeca caano candhadooda ku jira iyo kuwo neef uurka hooyadii ku jiray.

– Ma bannaana beeca dhogor ku jirta sida nin beeca suuqa la socon oo si kedo ah qiimo hoose looga gatay beecaddiisii.

Rahmin: Dhammaan wixii beecaddii bannaan yahay wuu bannaan yahay in rahmad loo dhigo deyn darteed.

Xayirid Tasarruf:

Waa lagaa xayirayaa tasarrufka xoolahooda shan qof oo kale ah:

1- Qof aan qaangaar 2- Qof waalan 3- Qof maangaab ama doqon ah ee xoolaha ku dheela

  • Qof deyn badan lagu yeeshay 5- Qof jirran oo geeri looga baqayo wixii thuluth ka badan inuu bixiyo.

WQ: Dr. Maxamed Mursal.