DALAGGA DALKEENA DEEQ NOOGU FILAN

Soomaaliya waxa ay leedahay dhul-beereed xadigiisa lagu qiyaasay 8.9 malyan oo hektar, taas oo dalkeena ka dhigaysa in uu leeyahay carro-san oo ku wanaagsan tabaca beerashada, webiyada ku dhexyaalla aagaga ay munaasabka ku yihiin iyo hannaanka beerista dalaga ee casriga ah, intaas oo la isu geeyay ayaa keeni kara in dalkeenu uu quudka gaarsiiyo dalal badan oo aan isku helin nasiibkaas iyo deeqda ilaah.

Waqtigii ugu badnaa ee Soomaaliya dhulka ugu badan laga beero waxa ay ahayd sannadihii todobaatanaadii iyo horraantii sideetamaadkii sida ay sheegaan aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan beeranay ku dhawaad 1 malyan oo hektar, taas oo wax-soo-saarka dalka ka dhigtay mid xooggan oo dalka iyo dibadaba kala gaaray, mooska ayaana ahaa dalaga ugu badan ee aan dibada u dhoofin jirnay waqtiyadaas.

dunida maanta waxaa jira culuum casri ah oo lagu horumariyay beerashada, waxaana dalal badan oo aan lahayn dhul-beereed wanaagsan u suuragashay in ay cilmigaas ka faa’idaystaan oo tacabka beerahana ay wax badan kusoo saartaan, waxayna kutimd in wadamada dunida ay waqtigaan ku dadaalayaan in ay quudkooda isku-filnaansho ka gaaraan, haddii dunida cunno-yari ama colaado kusoo kordhaan si loo badbaadiyo dadka iyo duunyadaba.

Isbadalka cimilada iyo colaadaha caalamiga ayaa ah arrimaha ugu badan ee kordhiyay cunno-yarida dunida iyo cabsida laga qabo in quudka uu gabaabsi ku yimaado, taas ayaana si xoog leh usoo ifbaxday kadib markii uu bilawday dagaalkii Ruushka iyo Yukreen oo dunida laga dareemay kororka maciishada quudka iyo yaraanta cunnooyinka qaar oo aad looga soo dhoofsan jiray labadaas dal sida qamadiga iwm.

Qarnigan cilmi-baarista iyo tijaabooyinka culuumta ayaa dalal badan u saamaxday in ay tacabka dalaga ka gaaraan halka ugu sarraysa iyo isku-filnaansho quud, Soomaaliya waxa aan haysanaa dhul ay suurtaga ku yihiin soo-saarista nuuc kasta oo dalag ah, haddii aan kusii darno cilmiga cusub ee ilbaxnimada horseeday waxa aan noqon karnaa dal isku-filan oo dakhli xoog leh ka hela markaan dunida u iib gayno qaybaha kala duwan ee dalaga.

Maadaama ay maalinba maainta ka damabaysa sii kordhayso cabsida laga qabo cunno-yaraanta dunida kusoo fool leh, annagana aan haysano dhul carro-san ah oo aad ugu wanaagsan tabaca beeraha maxaa nala gudboon? Waxaa maxay fursadaha jira? Sideen ugu faa’idaysan karnaa culuumta casriga cusub ee lagu horumariyo beeraha? Kororka wax-soo-saarka dalaga maxaan ka faa’iidi karnaa?

Soomaaliya dawlad iyo shacab waxaa nala gudboon in ay xoogga saarno wax-soo-saarka dalka oo aan isku haysano cimiladii iyo dhulkii ku habboonaa dalaga, si aan mar dambe macaawino cuno ah dibada nalooga keenin ugu macaashno gacanteena iyo garashadeena, dunida waxaa hoggaanka u haaya manta dalalka quudkooda ayaga soo-saarta ee aan baahi u qabin in ay wax soo dhoofsadaan.

Baraaruga bulshada oo aad u kordhay iyo maalgashiga maxaliga ah oo waayadaan dalka kusoo batay ayaa furay irdaha fursadaha gaar ahaan dhiirigelinta tacabka, iyadoo dhawaan magaalada Muqdisha lagu qabtay dhawr shir oo lagu soo bandhigay wax-soo-saarka dalka iyo fursadaha maalgashi ee jira, taas oo banaanka keentay shirkado.

iskaashatooyin iyo shakhsiyaad in muddo ah ku hawlanaa horumarinta beeraha iyo kheyraadka kale ee Eebe nagu manaystay, waxaana shirarkaan dhammaantood ay inta badan bangiyada Soomaaliyeed ka ballan qaadeen in ay maalgalinta xooggan ku samayn doonaan wax-soo-saarka beeraha iyo in ay fududeeyaan shuruudaha muraabaxada.

Hadaba si aan ugu faa’idaysano culuumta casriga ee lagu horumariyo wax-soo-saarka beeraha, waxaan u baahan nahay in aan sare u qaadno ardayda baranaysa kuliyada beeraha, kuwaas oo kaalin wayn ka qaadan kara in aan beerano dhulka baaxada leh ee beerashada naga sugaya.

Waxaana muuqata in ay aad noogu yaryihiin aqoonyahan ku taqasusay cilmiga beeraha, iyadoo daraasad ay samaysan hay’adda Iftin Foundation lagu sheegay sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay jaamacadaha ku yaalla guud ahaan dalka ka qalinjabiyeen kuliyada beeraha in ka yar 1500 oo arday, taas oo ah tiro aad u yar marka loo fiiriyo sida aan ugu baahan nahay.

Waxaa dunida maanta horumarka dal walba uu ka bilawdaa marka wadanka uu isku-filnaansho ka gaaro quudkiisa oo uusan dibada ugu baahan in uu cunto kasoo dhoofsado, markaas ayaana lagu tallaabsan karaa wixii kale ee horumar ah, Soomaaliya aad ayey muhiim noogu tahay inaan xoogayna iyo xirfadaynta isugu gayno wax-soo-saarka beeraha taas oo haddii aan ku dadaal galino kaalmaha hore aan adduunka ka noqon karno.

 

WQ: Abuubakar Yaasiin